Ujeedada Dacwad Laga Gudbiyay Xarunta Dhaqanka Hargaysa.

0
Saturday June 01, 2019 - 16:06:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Dacwad Laga Gudbiyay Xarunta Dhaqanka Hargaysa.

    Hargaysa (HWN) Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdule (Yuusuf Shaacir) oo kamd ah abwaanada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdule (Yuusuf Shaacir) oo kamd ah abwaanada Somaliland ayaa xarunta dhaqanka ee Hargaysa ku eedeeyay inay meel kaga dhacday dhaqanka Somalida iyo anshaxaba ka dib Markii xaruntaasi lagu qabtay munaasibad lagu xusayay Faya dhawrka maalinta caadada haweenka.

Abwaanka ayaa  sheegay in ay tahay arin inagu cusub in maalin la xuso loo sameeyo Faya dhawrka maalinta caadada haweenka. "Waa wax inagu cusub caadada ama waxyaabaha dumarka khuseeyaa, waa wax aynu ognahay oo caafimaadkooda la xidhiidha oo diinteenu si asturan oo qiimo leh uga hadasho, laakiin in xaflad loo sameeyo oo layidhaa maalinbaa la xusayaa gaar ah waa wax aad ucajaa’ib ah oo imika kaw ah, oo inagu soo kodhay, face buugana waad aragtay sida looga jawaabay ee bulshadu udiiday qofkastoo maqlaana wuu yaabay” ayuu yidhi Abwaanku.



Abwaanka ayaa sheegay In uu dacwad ka gudbiyay xarunta isagoo sheegayna xarumaha uu ugudbiyay dacwadaasi " meelo badan ayaan anigu ugudbiyay wasaaradihii ku shaqada lahaana waan ugudbiyay, sida wasaarada warfaafinta oo kale, wasaarada awqaafta iyo diinta waan ugudbiyay, labada gole gudiyadooda anshaxa (Baarlamaanka) waan ugidbiyay cidii kale ee ay khusaysana sida gudida wanaag faristoo kale iyo cidii kale ee ay khusayana waan usii gudbinaynaa” ayuu yidhi Abwaan Yuusuf Shaacir oo uwaramayay Horncable Tv.


Dadka ayaa munaasibadan lagu xusayay Faya dhawrka maalintan caadada haweenka fikradahooda ku aadan isku waydaarsanayay Baraha Bulshada, kuwaas oo ku kala aragti duwanaa ka hadlidi xuskan loo sameeyay.

 

Loading...
Loading...