Madaxweyne Xasan sheikh OO MD Farmaajo kula kulmay Maadaxtooyada+SAWIRO

0
Tuesday May 17, 2022 - 15:20:13 in News by
  • Visits: 1566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan sheikh OO MD Farmaajo kula kulmay Maadaxtooyada+SAWIRO

    Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka




Madaxweynaha ladoortay ee JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan booqasho iyo salaan ah waxa uu Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Madaxtooyada Qaranka, Madaxweynaha Xafiiska Jooga, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Kulanka ayaa Labada Madaxweyne waxa ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale ugu hambalyeeyey walaalkii Madaxweyne cusub ee JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud, xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, isaga oo faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta.


May be an image of 5 people, people standing and outdoors

May be an image of 2 people and people sitting

May be an image of 10 people, people standing, footwear, suit and outdoors


May be an image of 10 people, people standing, suit and outdoors

Loading...
Loading...