Hanbaliyo Ku Socota Madaxweynaha Cusub Ee Dalkaas Jaarka Somalia Iyo Inuu Ka duwanaado Sidii Farmaajihii tagay.

0
Tuesday May 17, 2022 - 10:57:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanbaliyo Ku Socota Madaxweynaha Cusub Ee Dalkaas Jaarka Somalia Iyo Inuu Ka duwanaado Sidii Farmaajihii tagay.

    W/Q: Hamse Riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Hamse Riiraash

Runta Dalkaas aynu jaarka nahay waxa ka dhacay doorosho  xildhibaanadu ku dooranayeen madaxweynaha  hoggaamin doono afarta Sanno ee soo socda.

 

Kaas oo ay u igmadeen mudane xasan sheekh oo aan ku cusbayn  madaxtinimada somalia in uu  noqdo ra’iiska wadankaas.

 

Waxa hore aynu u ogayn in shan sanno ka hor loo doortay   sidan oo kale mudane farmaajo kaas oo cadaadis saaray meelo badan oo ay ka mid tahay jamhuuriyadda tisqaaday ee somaliland.

 

In kastoo jamhuuriyadda somaliland iyo mujaahid muuse la dhigay xukuumaddii  tan xasan ee la doortay caawa ka horreysay, jilbahana u dhigatay quruurixii iyo dufaanadii  ay ku kicinayeen somaliland taas oo ay u jeedadeedu ahayd wiiqitaanka somaliland.

 

haddana somaliland waxa si kalsooniya uga guulaystay dibin daabyadii xukuumadaa tagtay ee gadhwadeenka ka ahaa mudane farmaajo.

 

Waxase aan xasan sheikh maxamuud ama madaxweynahaas ku leeyahay waa  inuu kusoo dagdagin somaliland oo uu si wanaagsan ula dhaqmaa ixtiraamana waxa ay qabsadeen ee wanaaga taas ayaan ilaah  kaaga baryayaaa.waayo Somalilana  waa in uu ula dhaqmaa sida ugu wacan ixtiraamana madax banaanideeda kollay inaad farmaajo ka duwanaadid waa mid adiga ku fiican ha noolato jamhuuriyadda somaliland iyo xukuumadan haatan somaliland.

 

W/Q: Hamse Riiraash


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...