Taliyaha Ciidamadda Badhan ee somaliland oo ka hadlay xaaladda deegaanka

0
Saturday June 01, 2019 - 15:22:35 in News by
  • Visits: 6585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidamadda Badhan ee somaliland oo ka hadlay xaaladda deegaanka

    Taliyaha Ciidamadda Badhan ee somaliland oo ka hadlay xaaladda deegaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamadda Badhan ee somaliland oo ka hadlay xaaladda deegaanka


Hargaysa(HWN)Taliyaha ciidanka somaliland ee magaaladda badhan Guray Cismaan Saalax ayaa sheegay in ciidanka qaranka somaliland uu isku balaadhiyay jiid gobolka sanaag isla markaasina ay gacanta ku hayaan amaanka magaaladda.


.



Taliyaha ayaa beeniyay in ciidanka ka goostay somaliland ay tiradoodu gaadhaysio ilaa afar guuto waxaana uu tilmaamay in ay yihiin midhadh yar yar oo meelo kale looga gacan haadiyay,waxaana uu cadeeyay in imika amaanka magaalada ay ciidanku sugayaan.


Guray cismaan ayaa sheegay in wasiiro ka tirsan labadda dhinacba ay yimadaan degmadda badhan waxaana uu yidhi.


"magaaladda markasta waxa muhiim ah in la ilaaliyo nabad galiyadeeda,waxaana ay bulshadu doonaysaa waa nabad galiyo markaas nabad galiyadda intii la ilaalin karo waa in la ilaaliyaa wixii xagaas ka imanaya anagu maaha wax aanu hor istaagayno lakiin waa in dalka la ilaashado…sidaas ayaa uu yidhi taliyaha ciidanka badhan ee somaliland Guray Cismaan oo u waramay bulsho tv


"wasiiradda maamulka puntland way yimadaan badhan xagan somaliland wasiirka cadaaladda ayaa yimid markaas labada meeloodba waa laga yimadaa waanad ogana kartaa siyaasin lakiin sida kale way iska dagan tahay.


Taliyaha ayaa sheegay in deegaanka badhan uu noqday mid aanay xuduudiisu xidhnayn oo laga soo gali karo labadda dhinacba ee somaliland iyo maamulka puntland,balse marna taliyahu muu sheegin in ay wasiiradda puntland deegaanka ka celin doonaan,waxa uu ku cel celiyay oo kaliya nabad hala ilaaliyo manuu sheegin cid wadda dhibta ka taagan deegaanka badhan.


HadhwanaagNews/Office

Hargaysa/Somaliland

[email protected]


Loading...
Loading...