Somaliland, Maxbuus Doorashooyin.
Haddaba qaabkani waa halkii Abwaan Gaariyee waxaa loo baahan yahay in guraan gurkan inba meel aan ka soo qaadanay aan sideena u waddano, oo aan wax kale oo inaga ajeeya ama liim bixiya lagu badhxin, uguna daran tahay dimuqraadiyada doorashooyin koo kaliya inagga soo hadhay, Gaariye waxa uu odhan jiray Somaliland waxya ka kooban tahay in yar oo diina, dhaqana, iyo inyar oo kale.
Dimuqraadiyadu way laamo badan tahay dhinicii daah furnaanta ama waxan loo yaqaan xalaal miiradka (transparency) maxaynu u qaadan waynay dhinacaasi cida hadda talada haysaana yihiin ama ragga hor boodayaana dadka ku faana aqoonta Far hungurida ee gaalada lagu afgarto, meelo badan oo wanagsan baa jira maxaa inagu soo garbo duubay Sanduuq warqad yar oo cad lagu rido, in Shan iyo toban sano ee inagaga lumaan waxa loo yaqaan doorashooyin guud ahaan bulshada iyo gaar ahaan kuwa sheegta muxaafid iyo mucaaradka is jiidjiidkooda iyo khatar galinka.
Waddanku wuu dihin yahay balse markii hore caqabadu dawlado isticmaar iyo kuwa aan dhaamin oo somaliyeed baa wadanka baabiiyay maanta oo waddankii gacanta Allaah inoo soo galiyay dad iyo duunyana ku waynay ma waxa 15 sanadood aynu ku luminay doorashooyin, waxa jira waddamo doorashooyin ka dhacaan oo bulshadoodu tahay kuwa ugu saboolsan iyo kuwa aan aqoon doorashooyin oo bulshadoodu tahay kuwa ugu hodan san, waxaana jira taa cakiskeed waase kolba sida bulshadaasi isku waafajiso dhaqankeeda diinteeda iyo qaab nololeedkeeda siyaasadeed ee maaha in wax lasoo waariday sideeda loo cabo.
Tartamayaasha doorashada haddii aynu ka hawl yaraysano kolay mid baa soo baxayee aynu uba qori tuurno ama maadaama bahashii qabyaalad ku salaysan tahay doorashadeenii aynu kaayaysano. waxan oo hawl iyo hiif iyo dagaal qabyaaladeed iyo afka furan ee xishoodka iyo xayaha ka tagay ee la isku weerarayo ka nasano kaa qori tuuradka ku guulaystana aynu u hambalyayno .
Waayo barigii haddii Faysal iyo Madaxwayne Siilaanyo iyo Daahir u qori tuurno Mid uunbaa Soo bixi lahaa wixii oo dagaal siyaasadeedna maynaan galneen, dadka iyo dal kuna jaanis buu u heli lahaa waxa hawl taagan ah ee dhinaca horumarka ah.
Maxbuus doorashooyin ayaynu ahayn in ka badan 15 sanadood waa arrin gara ta kasii daran waa dawarsiga qadarka yare ee lacagta lagu qabanayo oo dhamaan dib ugu noqota qolada bixisay qaadhaanka markay la siiyo shirkado ay leeyihiin dhamaan daabacaada waraaqaha iyo sanduuqyada soo dajintooda wax yar oo cawri gafa ayaa inaga soo gaadha.
Madaxwane Cigaal Allaah ha u raxmadee lacagta isagaa hayay laba calina lama waydiin maanta oo aynu ka dhaqaale iyo cudud roonahay maxaa ina bahdilay waa su’aal kale iyanee? bargii mashruucii Samoore ee Serverka waatii la ogaa dadkii iyo dalkiiba ninyar oo ajaaniba lab topkiisa lagu dawakhay, maantana seerfar kiibaa xumaaday ayuu samoora yidhi hadda waa nin yurub shaqo fiican kasoo wayay ninka sidaasi inoogu ciyaarayaa.
Waxa dadka qaar yidhaahdaan caqligeenaa la caayayaa waar malaha waa kuwan Somaliyadii aynu hooska tuurka lahayn lacagta badan ku shubaayee ilaa inamadoodii askar uga dhigee malaha way inala sugayaan? waar bi’i waayee Odayaashii iyo Salaadiintii inagu celiya iyagaa yaqaanay sida loola macaamilo Ingiriiska iyo gaalo oo waa kuwii saanta kaga soo saxeexay badda dusheeda heshiiskii caalamiga ahaa ee aan isagoo kale la arag in la qariyo mooyaane waxqabadkooda aan ku soo caano maalnay. Waa in aqoon yahanka iyo odayaashu sitoosa isku kaashadaan oon lakala saafin. Sida Senate ka oo kale.
Reer galbeedku waxay ogyihiin in odayaasha colaad guuni u dhaxayso si taa loo helo waa in ninka aqoonyahanka la xoojiyaa balse ninkaasi waxa uu aad uga dambeeyaa kana baqdaa qadarina u hayaa nimankaa soo samaystay kuwii Saanta ka saxeexayna ma arki karo, mar kastoo aad aragto nin la cola odayaasha/Guurtida ama caayay waa timir laf baa ku jirta waa halkii xildhibana indho indhee hadaad aragto nin Guurtida neceb iyo SNM waa nin Somailand Neceb, dhinaca kale way jiraan odayaal qaldan oo lama dafirikaro .
Sifiican baa loo baabiiyay doorkii odayaasha waxaana lagu badalay bilis xaawalay oo aan aad u ixtiraamayo maamooyinka iyo hooyooyinka sharafta mudan balse ixtiraamku wuxuu ku xadidan yahay inta shareecadu dhigtay haddii ay ka talaabaana, sida uu ku sheegay buugiisa mar uu sheekh Mustafe Xaaji Islmaaciil Allaah raali ha ka ahaadee ka sheekeeyay doorka haweenka iyo siyaasada nin labba jeer isku sharaxay doorashada Maraykan waxa uu ku soo koobay ka qaybgalka dumarka ee doorashooyinku waa dhimashadii u dambaysay ee galbeedka (the final step).
Doodaasina waa in sidday tahay loo huffaa laga dheeraadaa bilis xaawalay baa wax loo diidayaa si quman oo bilaa turxaanana loo wada hadlaa si xeego xeego u noqto ilkana u nabad galaan wali dawlada UK waxay la dhutimaynsaa heshiisyadii ay gashay Gabadhii caanka ahayd ee Targher oo dhigeeda galbeedka wali lagu arag wax badana qabatay haatana waxa calanka u sidata gabadha awooda badan ee jarmalka horjoogaha u ah.
Somaaliland waa maxbuus doorasho cida ku margata, marageeda meeshay doonta ha keentay waa in ay badda soo dhigtaa si loo doodo waxaan shaki ku jirin sidaan soo xusnay in 15 sano garba duud iyo jujuub aan khasab ahayn qol madaw Somaliland ugu xidhnay doorashaa la sugayaa waxan ina wareeriyay ee camal galbeed ah taasi oo wali Jeelkii maalinba qol madaw aynu sii tiimbanayno oo kii hore ka khatar badan iyo shalay dhaantay yaa kala guri kud ka guur oo qanjo u guur,
Waxan loo yaqaan doorashooyinka afrikaanku waa dabar iyo dhaabad xagga horumarka ah ilbaxnimada iyo qaabka doorashooyinkuna waa hab ku dhisan curfiga iyo caadada iyo dhaqanka iyo diinta bulsho kasta maaha wax la soo ergisto ama amaanaysto, waxaan awoodnaa in qaabka odayaasha Somaliland System elders elections in aan ikhtiraaci karno duniduna wax badan inaga baran karto qaabkii cajiibka ahaa ee Somaliladn loo dhisay balse maaha markii uu qaab keenii odayaashu qaan gaadhay in magaca laga badalo kaliya oo magac aan waxba inagu darsan loo bixiyo.
Waxaad dib u eeg taa Axdi qarameedkii doorashii Maxdaxwayne Craxmaan iyo Cigaal Allaah ha u raxmado labadoodabee lacagta ku baxday iyo wakhtiga ku baxay iyo sidday uga wax qabad badnaayeen kuwa jooga waxay sameeyeen Dawlad Calan leh, Dastuur leh Lacag leh, Baasaboor leh, Ciidan leh, hay’ado dawladeed leh. Maana tiradaa waa la soo lixayn kari laayahay 15 sanaddood ee aynu maxaabiista doorashooyinka ahayn.
waxa xiga qaybtii 3aad hadii Allaah Scw, idmo
Axmed Cali Kaahin 07/1/2016
HA HILMAAMIN XUSKA RABI.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!