Guusha Xasan Shekh Maxamuud Maxay Uga Dhigan Tahay Colaadda Tigray?

0
Tuesday May 17, 2022 - 09:39:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guusha Xasan Shekh Maxamuud Maxay Uga Dhigan Tahay Colaadda Tigray?

    "Farriinta hambalyada uu soo diray hoggaamiayaha TPLF oo lagu baahiyey barta Twitterka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Farriinta hambalyada uu soo diray hoggaamiayaha TPLF oo lagu baahiyey barta Twitterka"

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Hoggaamiyaha TPLF ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.



Hambalyada guusha ee labada dhinac ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dowladda Itoobiya ciidamadeeda heegan gelisay kaddib markii ay fallaagada TPLF sheegtay iney dagaal kale u diyaar garoobeen dhawaanna ay soo qaadayaan.


Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin hambalyo ah u soo mariyey Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ayaa sheegay in uu si dhaw ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub, ayna iska kaashan doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo danaha gobolka.


Xasan Sheekh ayaa doorashada madaxweynanimada ee xalay ka dhacday xerada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho ka helay 214 cod halka Farmaajona uu helay 110 cod.


Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiriir dhow la lahaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa cod aqlabbiyad ah doorashada looga guuleystay.

 

Waxaa codeysay 327 xildhiban ee labada aqal ee baarlamaanka. Doorashadaasi oo ay u tartameen in ka badan 30 murashax oo ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta ayaa ahayd mid aad u adag.


Guusha Xasan Sheekh TPLF maxay ka tiri?

Fallagada TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda dhexe ee Itoobiya waxay farriin hambalyo ah u soo dirtay Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Farriinta hambalyada uu soo diray hoggaamiayaha TPLF oo lagu baahiyey barta Twitterka ee xafiiska arrimaha dibadda fallaagada waxaa lagu sheegay inay kalsooni ku qabaan hoggaanka cusub isla markaana ay diyaar u yihiin in iskaashi dhanka amniga gobolka ah ay la yeelan doonaan madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.


Waxaa kale oo farriinta hambalayada ee ay TPLF u diray Xasan Sheekh lagu sheegay in Xukuumadda Tigray ay si buuxda u qadarinayso jawiga siyaasadeed ee kacsan ee Soomaaliya."Soo laabashada taariikhiga ah ee Madaxweyne Xasan ee ka dhalatay codka aqlabiyadda aadka u badan waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ah iney isbeddel doonayan si loo helo mustaqbal waara oo loo dhan yahay," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hoggaanka TPLF.


Waxay TPLF sheegtay iney diyaar u yihiin hoggaanka cusub iney iskaashi iyo wadashaqeynba kala yeeshaan xasiloonida gobolka iyo soo celinta xiriirka soo jireenka ah.


Kornayl Gabrezabher Alemsged, oo Soomaalidu ay u taqaanno Jeneraal Gabre, wuxuu dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo waddankiisa Itoobiyana ka ahaa mid ka mid ah saraakiisha milateriga ee saamaynta weyn leh marka la soo qaado arrimaha Soomaaliya.

 

BBC

Loading...
Loading...