Michael Rubin Oo Soo Bandhigay Sida Aanay Awooda U Lahayn Xubnaha Reer Somaliland Ee Ku Jira Dawlada Soomaaliya

0
Thursday March 07, 2019 - 20:35:05 in News by
  • Visits: 3830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Michael Rubin Oo Soo Bandhigay Sida Aanay Awooda U Lahayn Xubnaha Reer Somaliland Ee Ku Jira Dawlada Soomaaliya

    Sidaasna waxa uu ku sheegay warbixin uu maanta ku daabacay shabakadda Machadka American Enterprise Institute

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaasna waxa uu ku sheegay warbixin uu maanta ku daabacay shabakadda Machadka American Enterprise Institute

Hargeysa(HWN):-Michael Rubin oo ah Aqoon-yahan iyo xeel-dheere Millatari oo Maraykan ah ayaa faahfaahiyey muhiimadda ay Maraykanka u leedahay inuu wax la qabto Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu ku macneeyey "Somaliland inay muhiim u tahay guusha dagaalka ugu muddada dheer Maraykanka.”



Sidaasna waxa uu ku sheegay warbixin uu maanta ku daabacay shabakadda Machadka American Enterprise Institute ee dalka Maraykanka, waxaanu ka warramay marxaladihii ay Somaliland la soo martay dib u soo celinta Nabadgelyada, xilligii ay burburtay Dawladdii Soomaaliya 1991kii. Michael Rubin wuxuu xusay in aanay nabadeyntii Somaliland iyo dib u heshiisiintii beeluhu aanay ku iman qiime jaban.

Michael Rubin wuxuu intaas raaciyey in Jamhuuriyadda Somaliland oo miisaaniyadeedu ay dhan tahay $350 Milyan oo Doolar ay Saddex meeloodow meel ay ku bixiso Ammaanka iyo la dagaalanka xagjirnimada, budhcad baddeeda iyo hubka sharci darrada ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Somaliland ay daneynayso inay macluumaadka dhinaca la dagaalanka argagixisada la wadaagto dawladaha waaweyn oo Maraynku ka mid yahay, isagoo xusay in Xukuumadda Sweden ay dhowaan ugu deeqday Saddex doonyood Ciidammada ilaallada xeebaha Somaliland, waxaanu iftiimiyey in aanu jirin kiis kaliya oo la xidhiidha budhcad baddeed oo ka dhacay Somaliland, iyadoo Maamul-goboleedka Puntland ee la jaarka ahi uu xuddun u yahay budhcad baddeeda.

Michael Rubin wuxuu xaqiijiyey in socdaal Toddobaadyo qaadatay oo uu ku tagay Somaliland ay Xukuumadda iyo Saraakiisha Ciidammadu u sheegeen inay soo dhaweynayaan caawimo kasta oo Maraykanku ku taageerayo Somaliland, waxaanu intaas raaciyey inay doorbidayaan in Maraykanku ka furto Somaliland xafiis isku xidha dedaalada la dagaalanka Argagixisada, hubka sharci-darrada ah.

Waxa kaloo uu ka marag furay in Somaliland loo haysto inay ka mid tahay Soomaaliya, hase ahaatee aanay arrintaasi ka shaqeynayn ficil ahaan Somaliland. Wuxuu carrabaabay in Soomaaliya ay baarlamaan dooratay 2012kii, xiligaas oo ahaa Toddobada Sanno kadib markii Somaliland doorteen Baarlamaankooda.

Michael Rubin wuxuu qiray in shakhsiyaadka u dhashay Somaliland ee xilka ka haya Soomaaliya aanay ku nooleyn Somaliland, isla markaana aanay wax awood ah ku laheyn inay saameeyaan dhacdooyinka ka jira Somaliland.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey in Xafiiska Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Qarammada Midoobay ay xudduudaha cusub ee Afrika iskaga riixaan Midowga Afrika, inkasta oo Reer Somaliland ku garnaqsadaan in Xudduudahoodu si cad ugu qeexan yihiin heshiisyadii la soo saaray muddo qarni laga joogo. Taasi oo Somaliland aheyd maxmiyad Ingiriiska ka qaatay xornimadeedii oo 30 dal aqoonsadeen 1960kii.

Mr. Michael Rubin wuxuu sheegay in dalalka Itoobiya, Turkiga, Jabuuti ay Qunsuliyado ku leeyihiin caasimadda Hargeysa, halka Denmark ku leedahay xafiis isla markaana Kenya dhawaan ka furanayso Xafiis. Waxa kaloo uu ku boorriyey Maraykanka in aanay lumin fursada ay Somaliland kaga furan lahaayeen Xafiis, waxaanu khabiirku ku dooday in Maraykanku uu iskaashi la leeyahay Taiwan iyo Falastiiniyiinta oo aanu aqoonsanayn.

Sidoo kale, Mr Rubin, wuxuu hoosta ka xariiqay in 70ka Milyan ee doolar iyo taageerada millatari ee Maraykanku ku caawiyo Soomaaliya ay yihiin barkuma-taal, waxaanu xusay in Soomaaliya laga yaabo inay ka darto Afganistaan oo ah dagaalkii ugu muddada dheeraa ee Maraykanku galo. Ugu dambayn wuxuu ku dooday in Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku dhaqaale u hurayso AFRICOM oo aan u diyaarsaneyn inay guulaysato.

Loading...
Loading...