Xasan Sheikh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya

0
Monday May 16, 2022 - 00:36:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheikh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya

    Xasan Sheikh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Sheikh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya


MUQDISHO(HWN):-Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku guulaystay Xilka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, kadib markii wareeggii saddexaad ee doorashada uu kaga guulaystay Madaxweyne Farmaajo.
Hassan Sheikh Mohamoud Biography - Childhood, Life Achievements & Timeline


Guusha Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxay caawa soo afjartay Shan sano iyo dhowr bilood oo uu Farmaajo hayay Xukunka dalka, isagoo ugu dambayn macsalaamayn doona villada.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wareegga saddexaad ee doorashada ka helay 214 cod, halka Madaxweyne Farmaajo uu helay 110 cod.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sida horey loo filaayay waxaa uu wareeggii saddexaad helay codadkii ugu badnaa ee doorashada.

Farmaajo oo wareeggii labaad helay 83 cod, waxaa ugu siyaaday ku dhowaad 30 cod oo kaga yimid Musharraxiinta kale.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxmuud wuxuu noqonayaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer Xukunka qabta, isagoo dalka hore u soo Xukumay sannadihii 2012 illaa 2017.

Waxa uu Xilka kala wareegayaa Madaxweynihii uu Xilka ku wareejiyay sannadkii 2017, ee Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ay sannadihii ugu dambeeyay si aad ah ugu kala fogaayeen arrimaha siyaasada.

Isla caawa ayaa madaxweynaha cusub Xilkiisa loo dhaarriyay, iyadoo uu dalku galayo isbeddal siyaasadeed oo la filaayo inuu soo afjaro jah-wareerka siyaasadeed ee dalka ka taagnaa muddadii dambe.

Loading...
Loading...