Farmaajo iyo Xasan Sheikh oo u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee doorashada Madaxweynaha

0
Sunday May 15, 2022 - 22:05:43 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Xasan Sheikh oo u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee doorashada Madaxweynaha

    Farmaajo iyo Xasan Sheikh oo u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee doorashada Madaxweynaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farmaajo iyo Xasan Sheikh oo u soo gudbay wareegga ugu dambeeya ee doorashada Madaxweynaha



Hargeisa(HWN):-Wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo labada musharrax ee ugu codadka badan ay u gudbayaan wareegga ugu dambeeya ee doorashada.



Guddiga doorashada ayaa shaaciyay natiijada doorashada, waxayna sheegeen in Xasan Sheikh Maxamuud oo helay 110 cod iyo madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 83 cod ay u gudbeen wareegga saddexaad.

Waxaa wareegga labaad ku haray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo helay 63 cod iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni 68 cod.

Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa wareegga labaad la yimid isbeddel, isagoo helay codadka ugu badan, wuxuuna wareeggii hore ahaa musharraxa saddexaad ee ugu codadka badan.

Ugu dambayn, wareegga saddexaad waxaa ku tartamidoona Xasan Sheikh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo sidoo kale doorashadii 2017 ahaa labadii musharrax ee wareegga ugu dambeeya ku tartamay, Farmaajana uu ku guulaystay.

Xasan Sheikh iyo Farmaajo midka ku guulaysta wareeggaan ayaa noqondoona madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Loading...
Loading...