Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Gaabsaday Faah Faahinta Safar Uu Ku Tagay Wadanka Qatar
Muqdisho(HWN):-Raysal wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa safar ugu baxay wadanka Qatar.

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo ujeedada safarka uu ku tagayo magaalada Dooxa ee wadanka Qatar balse qoraal lagu baahiyey baraha bulshada ee xafiiska raysal wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in kulamo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal uu la yeelan doono masuuliyiinta dalkaasi.
Socdaalka uu dalka uga baxay ra'iisul wasaare Khayre ayaa ku soo aaddaya iyada oo uu dalka Sacuudiga ku suganyahay madaxweyne Farmaajo oo halkaa uga qeybgalay shirka ururka iskaashiga islaamka.
Qatar waxaa ay ka mid tahay dalalka sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya, waxaana toddobaadyo ka hor wada-hadal telefoonka ah yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar, xilligaa oo ay ka wada-hadleen arrimo quseeya labada dal.


0 





