Gud. Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Dhaariyay Xubin Buuxinaysa Jago Ka Bannaanaatay Golaha Guurtida.

0
Sunday May 15, 2022 - 13:38:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gud. Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Dhaariyay Xubin Buuxinaysa Jago Ka Bannaanaatay Golaha Guurtida.

    "waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2022, dhaariyay Ibraahim Muxumed Aw-Axmed X. Aadam, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL.

 

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Muxumed Aw-Axmed X. Aadam, taasi oo golaha Guurtidu ay maxkamadda sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, Ibraahim Muxumed Aw-Axmed X. Aadam, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.

 

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

 

ALLAA MAHAD LEH


Loading...
Loading...