Dowladnimadu Sidaa Maaha!

0
Sunday May 15, 2022 - 13:15:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladnimadu Sidaa Maaha!

    W/Q: Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

(31 Sanadood Somaliland weli may fahmin, mana  baran waxa Dowladnimadu tahay).        13 May 2022 

Dowladnimadu sidaa maaha,waa qoraalo taxane ah oo aan ku eegi doon,qaladaadka jira ee ay maalin kasta ay gasho guud ahaan Dowlada Somaliland(Xukuumada-Golayaasha iyo Garsoor),iyo Xafiisyadeeda kala duwan. 

 

Guud ahaan dalka Somaliland sidiisaba ma laha,cid u qaabilsan ,Borotokoolka wadanka,Afka qalaadna lagu yidhaahdo(Chief Protocol Officer),Madaxtooyaduna ma laha  Agaasimaha Botocoolka(Chief Protocol officer for President),taasina waxay keentay in lays dhex yaaco,cid kastaana sida ay jeceshahay u dhaqanto,taasoo keenta foolxumo Dowladnimo. 

 

Hadaba aynu eegno tii ugu dambaysay ee maanta ka dhacday Madaxtooyada Somaliland ,halkaas oo ay booqasho ku yimaadeen Taliyaha AFRICOM (USA) iyo Ambassadorka  dalka Maraykanka(USA)ee fadhigiisu yahay Muqdisho, Somalia . 

 

Safiirka iyo Taliyaha AFRICOM,markii ay soo gaadheen Madaxtooyada Somaliland intii aan Sawirkooda arkay,waxaa ku qaabilay madaxda ay ka mid yihiin:- 

 

    Madaxweynaha Somaliland. 

    Madaxweyne ku xigeenka. 

    Wasiirka A.dibadda 

    Wasiirka A. Gudaha 

    Wasiirka Gaashaan dhiga. 

    Taliya Ciidanka Qaranka(General) 

    Taliyaha Ciidka Booliska(General). 

    Waa laga yaabaa in ay jireen Madax kale oo joogay oo aan Sawirka ka muuqan. 

 

Hadal iyo dhamaan waa ku ceeb Dowladnimada in Taliyaha AFRICOM iyo Safiirka Muqdisho fadhiya in ay soo hor fadhiistaan intaas oo Madax ahi,waa Borotokool xumo,waa Dowladnimo xumo,waxaana ka muuqata in Somaliland aanay weli aanay fahmin macnaha Dowladnimo. 

 

Waxaa ku filaa Soo dhoweynta Ambassador ka  iyo  Taliyaha AFRICOM, in ay Madaxweynaha u geeyaan Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka,laakiin weli maan fahmin waxa laysla dabayaacayey!  

 

WAAR AYNU BOROTOKOOLKA IYO DOWLADNIMADA BARO, 

 

ALLAA      MAHAD     LEH 

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste) 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...