Soomaaliya Dhulkii Hodantinimada iyo Dheemanta.

0
Sunday May 15, 2022 - 13:11:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Dhulkii Hodantinimada iyo Dheemanta.

    W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

Soomaaliya waa dal siyaasaddiisu furfuran tahay, in kasta oo ay soo martay waqtiyo adag oo ay dhex muquuratay bad'xidhan iyo ooddan siyaasadeed oo hab dhaqankeedu kakan yahay. Soomaaliya waxa ay dhacdaa qaaradda Africa, gaar ahaana Geeska Africa. Waana dal ay ku nool yihiin guud ahaan dad Muslim ah. Tirada dadwaynaha ku nool waxa lagu qiyaasaa 15- 20 Milyan oo qof. Kuwaas oo 75% ay dhalinyaro yihiin. Xadiga heerka shaqo la'aantuna waxa uu ka sareeyaa 65%. Waana dal leh taariikh guda wayn oo gaal iyo islaam ba wax badan oo dhito iyo dhigaal qoraaleed ah ka sameeyay.

 

Soomaaliyadii 1960-kii xornimada qaadatay,  waa Jamhuuriyadda'e; waxa ay u qaybsanayd laba qaybood oo waawayn waa; koonfur iyo Waqooyiye. Waxa kala gumaystay waddamo reer galbeed ah oo kala ahaa; Talyaaniga iyo dal waynaha Ingiriiska. Dawladdii Talyaanigu waxa ay masalaha dhigatay Koonfurta Soomaaliya (Soomaaliya), halka ay dawladdii aanay Cadceedu ka dhici jirin ay barroosinka aasatay Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland). Haddaba, Carro waliba cimiladeeda lehe; labadaa dawladood ee ku abtirsada nimankaa caddaanka ah ee reer galbeed; waxa ay mid waliba ku aba'bisay, kuna habtay dhaqankeedii dawladnimo qaybtii ay Isticmaarsatay, iyada oo bilaal iyo ballaysin uga dhigtay in ay mustaqbalka dhaw iyo ka fog ba u dhaqmaan dabeecadooda oo kale.

 

Waxa aan sidaa u leeyahay; waxa aad hadda u fiirsan kartaan labada dhaqan iyo nidaam dawladeed ee Somaliland (Waqooyi) iyo Soomaaliya (Koonfur). Haddaba, aniga oo aan kusii fogaan dhaqamada iyo nidaamka hab maamul iyo dawladnimo; waa Somaliland iyo Soomaaliya'e. Si aanan uga leexan tubta iyo toyoshadyda qormadan; waxa aan caawa qalinka iyo qoraalka ugu holaday in aan iftiimin iyo korka xaadin ku sameeyo tartanka madaxwayne-nimo ee Soomaaliya ee bishan May 15-keeda. Maanta oo ay bishu ku beegnayd; 10-05-2022-ka, waxa la soo geba'gabeeyay diwaangalinta Musharaxiinta Madaxwayne-nimo ee laga dhex xulan doono mudanaha afarta sano ee soo socota hoggaanka u qaban doona dawladda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

 

Mawduuca xaga sare ku xusan baan u gonda dagayaaye; Musharaxiinta la siiyay ruqsada ogolaanshaha tartanka Madaxwayne-nimo ee dalka Soomaaliya; waxa ay tiradoodu dhan tahay 39 musharax oo dhammaantood han ka leh hoggaaminta dalkan ay ka soo dhacday diihaalka iyo diifta uu u qabo siyaasi hayin ah iyo hoggaamiye u darban oo ka saari kara marxaladaha kakan ee is biirsaday, kuwaas oo iilka dhigay dawladnimadii dimoquraadiyada ugu faani jirtay Qaaradda qarada wayn ee magaceedu yahay Africa iyo hodansanka baahan ee balada cay'dheed gadaanka iyo lingaxa gaawatada ka darsatay.

 

Sidaa awgeed, marka aan mawduucan; Dhulkii Hodantinimada iyo Dheemanta sangaabta iyo gadaanka idinka soo daro ujeedadayda si aan meel lingaxa biyaha ugu dhaw idinka waraabiyo;  musharax kasta oo is diwaangaliyay waxa laga qaadayay lacag khidmad ah oo cadadkeedu dhan yahay; $40,000 oo lacagta qalaad ee Maraykanka ah.

Bal haddaba, aynu xisaab iyo isugayn ku dhaqaaqnee; "39 musharax madaxwayne × $ 40,000", waxa  ay u dhigantaa = $1,560,000. Waa hal Milyan shan boqol iyo lixdan kun oo lacagta Maraykanka ah. Alla maxa ka murti iyo macno badan halku-dhigga yidhaahda " Xisaabi xil ma leh, haddaan la is qaban".

 

Haddaba, muwaadin ma og tahay in aan wali qalin iyo qawl toona lagu caddayn qaabka loo adeegsanayo iyo waxa loo isticmaalayo cadadka miisaaniyeed ee xajmigaa iyo culayskaa leh. Garo oo dadka iyo dalkuna waa Soomaali oo dadkeedu u badan yahay sabool caydh ah iyo xoolo dhaqato abaar iyo biyo la'aan la shuf beelay oo bay-hoofka iyo busaaradda ka muuqata dushooda aad yaabayso. Haddii aad u sii fiirsato meelaha qaar iyo waqtiyada qaar miyi iyo magaalaba; waxa aad ogaanaysaa in ay jiraan dad Soomaali ah oo inagu dhex nool oo uu Bakhtigu xalaal u yahay!. Allow Alle.

 

Si aan xog iyo xan kaabta oo hiil u noqota dhitada qoraalkaygan ugu helo; waxa aan beri aan sidaa u sii fogayn akhriyay maqaal kooban oo uu qoray nin ka mid ahaa Askarta Nabad Ilaalinta loo keenay Soomaaliya ee Amisom. Ninkaasi waxa uu kasoo jeeday waddanka Burundi ????????. Ninkaas baa maqaalka uu daabacay waxa uu cinwaan uga dhigay sidan: Soomaaliya; Dhulkii Hodantinimada iyo Dheemanta!.

 

Waxa uu xogta maqaalkiisa ku xusay 7 sano ka hor markii laga keenay waddankiisa in aanu waligii helin waxa uu kala kulmay waddankan yar ee burbursan ee la dheho Soomaaliya. Waxa xusid mudan oo uu sheegay in gabi ahaanba ehelkiisa iyo qoyskiisu wali ku jireen kaymaha hawdka ah ee waddankiisa, ahaayeena qoys reer baadiye ah oo beeraha iyo xoolaha ku tiirsan. Balse maanta ay reer magaal yihiin oo ay Caasimadda dalkiisa Burundi ????????  ku sugan yihiin oo ay wax u bartaan caruurtiisa iyo ehelkiisu. Waxa aan maqli jiray beri aan yaraa; halku-dhig aan ka maqli jiray rag ka ganacsada Dhuxusha oo u dhignaa sidan; "Looma dhoofine, Dhuul Galool Iyo dhulkaa Laga helay". Hadda ninkaa Burundi ga ahi ????????, waxa uu ku heesayaa; Waan U dhoofoo, Soomaaliya Iyo Dhiiggaa Laga Helay". 

 

Haddii aynu is waydiino; su'aal da'wayn oo odhanaysa sidan; Doorashada ka dhacda Dalka Maraykanka oo u qaybsan 54 dawlad goboleed oo nidaam Federal ah wada hoos hadhsanaya, sidoo kalena ay ku uuman yihiin dadwayne kor u dhaafaya; 350 Milyan oo qof. Iyo Soomaaliya oo aynu wada garanayno; midkee baa qarash badan labadooda doorasho?. La soco oo hadda waliba dalka Maraykanka doorashadiisu waa doorasho dadwayne oo loo dareero; hal cod iyo hal qof. Soomaaliyadan burbursan, bay-hoofsan, caydhaysan ee sulufka colaada iyo saboolnimada faraqa loo sudhay; qarash intee leeg baa afar sano kasta doorasho ku sheeg kaga baxda?. Waar ilayn shacabka Soomaaliya ciilba may qabeen; haddii ay maankooda iyo miyirkooda kusoo xulan lahaayeen hoggaamiyihii hagi lahaa ee kaynada horumarka kaafka ugu jiidi lahaa.

 

             Markaa aan sidaa leeyahay; Somaliland kuma jirto, not including Somaliland because of Somaliland is a separate.

 

Qaladka kale ee Soomaaliyadan cusubi waxa weeyaan; kursi hal qof u baahan oo gebigiisuba hal nin qaada ayay 40 qof oo wada hoggaamiye iyo siyaasi hawlkar ah oo daacad iyo dedaal ka wada sheekaynayaa isu soo taagayaan!. Nin baa hal'haysu lahaa waxasi waa Adhi dareeray. Hadda waa halkii ninkaase; "Waar Ma Adhi Dareeray Baa Mise Waaba Lo', Kolayn Geel Maaha Oo Geelu Sidan ba Uma Dareero'e".   Allow Alle.

 

Waxa jira xadhig adag oo laga sameeyo Saanta Geela ama Margiga Geela; kaas oo waxtar wayn u leh nolosha reer guuraaga iyo rarista awrta ama rakuubka gaadiidka xamuulka u ah reer miyiga. Xadhigaas waxa la yidhaahdaa " Yeel". Beri baa markaas reerkii oo caawa oo kale isu diyaarinaya in uu ka guuro deegaankan, isla markaana u digo rogto deegaan kale. Fiidkii markii ay ahayd bay bahasha la yidhaahdo " Dacawo" ka cuntay reerkii xadhigii waxtarka wayn ugu fadhiyay reerka. Markaa bay hadhawto duleedka reerka ku mash'xaradday, ku sheekaysatay (Wishiiriday) sidan; "Wallee Reer Aan Ogahay Ma Guuro". Hadda waa halkii dacawadaase; bal aynu dhawrno meesha iyo jihada loo istaadho baabuurkan bilaa taayirada ah ee bilaa geer bogoska ah!. Allow Alle. 

 

Allow Sahal Amuuraha!!!.

W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...