Inqilaabkii Dawlada Dhexe Kula Wareegtay Shaqooyinkii Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Madaxweynaha Qudbadiisii Aan Ku Xusnayn!.

0
Sunday May 15, 2022 - 12:50:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inqilaabkii Dawlada Dhexe Kula Wareegtay Shaqooyinkii Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Madaxweynaha Qudbadiisii Aan Ku Xusnayn!.

    W/Q: Fu'ad Fartaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Fu'ad Fartaag

Jamhuuriyada Somaliland waa Dal Dumuqraadi ah oo leh Madaxweyne iyo  golayaal si Dumuqraadiyad ah loosoo doorto taas oo Cid walba Hawl gaar ah u igman tahay oo aan Hawl qabadka ay qaabilsan yihiin lala gacan togaalayn karin oo gole kastaa hawshiisu ay ku eegtahay ama ugaartahay, oo lagula xisaabtamaayo sidoo kalana ku amaan, eed iyo dhaliil mudanayaan, Hadaba dawlada Jamhuuriyada Somaliland waxay ka kooban tahay AFAR GOLE  oo kala ah Labada Gole ee SHARCI DEJINTA  (Baarlamaanka iyo Guurtida)  iyo Labada Gole ee SHARCI FULINTA, (Golaha dhexe ama Xukuumada dawlada dhexe iyo Dawlada Hoose ama Golaha deegaanka), intaa waxa dheer Madax-Dhaqameedka iyo Culimada-Diinta.

 

Hadaba Geeljire Geela wuu wada jiraa hadana wuu kala Jiraa afarta gole ee la igmadaa waa afar gole oo Qaranka Somaliland uu leeyahay se midiba howl gaar ah ayuu qaranka u xilsaaranyahay, Dalka waxa u Madaxweyne ah madaxweynaha Qaranka oo Dalku wada leeyahay halka DEGMO kasta ay leedahay Duqa degmada ama Maayarka u ah Madaxa degmada u gaarka ah ee fuliya danaha iyo Hawlaha degmadaa u gaarka ah, isaga oo horkacaaya ama hormood u ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ee loosoo doortay mudo xileedka ay wada igman yihiin, halka madaxweynaha Dalka ee Dowladda dhexe uu isagu xusho xubnaha xukuumadiisa lashaqaynaya mudo xileedka uu igman yahay, halka xubnaha dawlada hoose ay yihiin koox lawada igmaday oo leh mudo xileed, xubnaha dawlada dhexe Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo kaliya ayaa leh mudo xileed wakhti leh oo aan la bedeli karin se Golaha wasiirada ee xukuumada dhexe mudo xileed malaha oo xiliga uu doono ayuu madaxweynahu awood u leeyahay bedelkooda.

 

Hadaba iyada oo gole walba hawl-qabadkooda ama shaqadoodu caddahay oo ay qayaxan tahay ayey Bilawday in golihii Dawlada dhexe uu gacan togaaleeyo hawlihii loo igmaday Golaha dawlada hoose!, nin tiisaba daryeela ayaa Mid kale ku dara, hase yeeshee dawladii dhexe intay gabtay howsheedii ayey tii dawlada hoose u tafo xaydatay, oo weliba Golaha dhexe waxa Gacan dhaafka ugu Horraan gaystay ama billaabay Madaxtooyada Somaliland ama xafiiska ugu sareeya Dalka ahna xaruntii iyo xafiiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, sida uu sheegay Agaasimaha madaxtooyada qaranka Somaliland Mudane Maxamed Cali Bile Maalintii dhawayd ee uu ka hadlaayey khayriyada uu sheegay in uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu fikirka nashqada dayuuradii Caasha-Biyo-Sida ee talada dheer loo sameeyey iyo xadiiqada ama goobta nasashada ah uu madaxweynuhu leeyahay nashqada, madaxtooyaduna hirgelisay oo fulisay, waa wax lala yaabo in madaxtooyada iyo Madaxweynihii qaranku noqdaan dowladii hoose ee Hargeysa, taariikhda aduunka laguma maqal Madaxweyne iyo dawlad dhexe oo qabanaysa shaqooyinka Dawlad hoose iyada oo xubno u igman oo loosoo doortay joogaan!, waxa sidoo kale isweydiin Mudan Madaxtooyadu waa madaxtooyadii qaranka ee hadii goobo nasasho hirgelinayso miyeyna haboonayn in degmooyinka Dalka kawada hirgeliso? Mise degmada Hargeysi waa degmada uu madaxweynaha iyo agaasimihiisu kasoo jeedaan oo waajib gaar ah baa ka saaran iyo in wax lagu xusuusto uga tagaan degmadooda, waxa se muuqata Mar hadii madaxweynayaashii ka horeeyey qaranka guud ku fooganaayeen in madaxweynaha iyo agaasimihiisa degmadoodu uga mudan tahay Dalka intiisa kale, ileen waatan Dowladdii hoosaba loo gacan dhaafaye! Waa dhacdo ku ugub ah aduunka oo taariikh gal ah,

 

Se Waxa layidhi Geela Duqdiisu durduriso Aarankiisana maxaad u malayn? Markuu Madaxweynihii iyo madaxtooyadii usoo tafo xayteen shaqadii dawlada hoose ee Hargeysa ayey Wakaaladihii dawlada dhexe iyana dhexda usoo xidhatay Shaqooyinkii Dawlada Hoose ee Hargeysa oo judhiiba wasaaradii howlaha guud ay faro-maroorsatay hawlihii Dowladda hoose, sida lawada ogsoon yahay Wakaalada Hawlaha guud iyo Dawlada Hoose wax isku jiho ku aadanba maaha Hawl ku muran ha joogtee! Waayo Hawlo GUUD iyo Dawlad HOOSE meel ay Hawl kala jiitaan ama ku murmaan ma jirto waayo GUUD iyo HOOS meel mawada aha!, Dawlada Hoose shaqadeedu waa degmada ay joogaan inay maamulaan sida Suuqyada, wadooyinka iyo fayodhowrka degmada oo ah inay mid nadiif ah oo bilicsan oo shacabku kunoolaan karaan ka dhigto, halka Wakaalada Hawlaha guud shaqadooda tahay dhiska iyo dayac tiirka guryaha iyo xafiisyada Dawlada iyo wadooyinka dalka ee u dhexeeya degmooyinka Dalka, Hase yeeshee ku qabso oo ka qarashayso ayey hawlihii Dalku noqdeen, oo sharcigii iyo hawkalkii Dowlad-nimo dhadhamo raac, malafsi iyo marroorsi ayuu noqday iyo Dhibtii dhacdaa dad-bay Dheef u noqotaa!, se waa wax laga xumaado in Xukuumaddii Dalku Dhibtii suuqa Waaheen wax ay ka dheefto ka dhigato oo ay ka faramaroorsato ciddii hawsha lahayd.

 

Iskusoo wada duub falalka ay ku kacday dawlada dhexe waa wax la Hadal hayn doono wakhti badan inqilaabka Dawlada dhexe kula wareegtay Shaqooyinkii Dawlada Hoose ee Hargeysa, waxa aanan se garanahay waxa madaxweynuhu ugu Faani waayey ee uu ugu xusi waayey qudbad sanadeedkii in uu Caasha-Biyo-Sida taalo aad u dheer u dhisay iyada oo aanay jirin taalo lagu xuso naftooda hurayaashii soo riday ee shihiiday! Illaahay naxariistii Jano haka wada waraabiyo Aamiin yaa rabi Aamiin,

 

Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...