Xisbiyadan Dawakhay Naga Xidho, Doorta Qolo Dhaanta, Saddexdoodu Waadaarad Qudhee, Dawladnimo Raadsha.

0
Sunday May 15, 2022 - 12:47:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 472
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyadan Dawakhay Naga Xidho, Doorta Qolo Dhaanta, Saddexdoodu Waadaarad Qudhee, Dawladnimo Raadsha.

    W/Q Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Ismail Abdillahi Handuleh.

Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim[A.S.C.W.R.W.B],

 Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.

 

Doorashada ninkii diidaye,Dibudhac doonaaya,



Dumintii midnimadu wada,Daalinimo sheegay,


Dawladnimo diyaar uma ahiyo,dadab galkeeni,


Dimuqraadinimadaanu rabin,Daalka loo maray,


Dulmigu kusoo caano dhamay,Deyna kariwaaye,


Derajaanu weli moodayaa,Damacii shaydaanka,


Doorkan yeelimaayan dadkiye,Dunida gaadhsiya,


Duurxul hadalka diifaha lehiyo,Diradiraalantan,


Dadkun bays nacsisaan,Gudina daab ma gelisan,


Denbigaa ka jeceshiin,dacwiyo daayin amarkiisa,


Dagaalkii sokeeyaad wadanon,Daahna qarinayn,


Denbarsado duxdiisana hirqada,Diide nabadiiye,


Daa iyo ka daayaay in badan,Waan idiin degaye,


Danba muranka moodaan,Dalkana uma danaysan,


Durbaan beena duul loo tumoo,Duudsi daashaday,


Dad dayaysanuu dilay qabiil,Dawgi ka habawshay,


Digashiyo dibiro ridashadaad,Nala duljoogtaane,


Xisbiyadan dawakhay xidha,Haddii qaran la doonayo.


Saddexdoodu isma dooriyaane,Waa duul walaalo ah.


                             Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...