Gogol Wada Hadal Aan U Fidiyey Dr Gaboose Iyo Eng Faysal Caliwaraabe.

0
Sunday May 15, 2022 - 12:41:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gogol Wada Hadal Aan U Fidiyey Dr Gaboose Iyo Eng Faysal Caliwaraabe.

    W/Q :Khadar Ibrahim Aar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q :Khadar Ibrahim Aar

Bilawgii tijaabada Ururada Siyaasada ee Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Gaboose waxa uu ahaa Raggi sida wayn uga qaybta galay tartankii Ururada Siyaasada Somaliland, waxa uu ahaa madaalahii ,Sanceeyadii ama Tumaalkii Ururada Siyaasada ,waxa uu fikradooda lahaa aasaaskii Ururadii la Magac baxay SAHAN, QARAN, UMADA iyo Ururka BARWAAQO oo hadal-hayntiisu ay iminka inagu badan tahay.

 

Sidoo kale Eng Faysal Caliwaraabe ayaa isaguna  qayb laxaadleh kasoo qaatay Siyaasada Somaliland,walaw muddo ku dhaw 20 Sano uu gadhwadeen Gudoomiye iyo Musharaxba uu ka ahaa Xisbigiisa loogu abtiriyo ee UCID FAYSAL.

 

Akhriste Bilahii u horeeyey Sanadkii 2003 xasuustayda goor Galab ah ayaa waxa ii yimi Dr Gaboose oo markaasi soconaaya,waxa uu ii sheegay in uu jeclaan lahaa in isaga iyo Eng Faysal Caliwaraabe kulan fadhiyeed aan isugu yeedho,isaga oo Dr Gaboose markaasi igu tuhmaayey Saxiibtinimadii naga dhaxaysay aniga iyo  Faysal xiligaasi.

 

Tariikhdu waxa ay markaasi ku sargo'an tahay malahayga  Bishii Jenawari  sanadkii 2003 ,waa uun u diyaar garawgii Doorashii Madaxnimada ee u horaysay Somaliland taasoo ay ku tartamayeen Ururada faraha badan ee ay markaasi ka mid ahayeen, Sahan oo Dr Gaboose hogaaminaayo Urur nimadiina ku hadhay  iyo UCID oo markaasi Eng Faysal uu Gudoomiye iyo Musharaxba uu ka ahaa Xisbina u gudbay.

 

Dr Gaboose waxa uu markaasi ii sheegay sababta uu ergada iyo wadahadalkaba uga rabo Eng Faysan waxaanu hadalkisii ku bilaabay Xasuustayda :-

'' Saxiib Khadaroow waxa aan ka rabaa in aad Aniga iyo Eng Faysal Caliwaraabe aad isugu kaayo keento Gogol iyo wada fadhiisi, Ujeedaduna waxa ay tahay in aan doonaayo in dhanka Siyaasada aanu Garab iyo iskaashi ka yeelano "".

 

Akhriste Sideedaba Siyaasada in Midnimo iyo wadajir lagu galaa waa shay iska dabiici ah,waxa aan aqbalay in aan isu soo dhaweeyo Siyasiyiintaasa ergadii Dr Gaboose iila yimina hawraarsan iyo Waji farxadeed ayaan kusoo dhaweeyey.

 

Waxa aan guda-gal ku sameeyey ergadaa sidii aan Saxiibo dheeraad ah oo arinta ila xoojiya aan ugu soo dari lahaa ,xasuustayda arintii waxaan u bandhigay Laba nin oo aanu Markaasi Saxiib ahayn midi waa  Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray iyo Aqoon yahan Da'uud Abshir Xuseen iyana waa ay iga aqbaleen .

Waxyar aan dib idiin celiyee Akhriste :

 

Xasuusnaw xiliyadaasi  Ururka UCID waxa uu ahaa  Xisbi awood siyasadeed iyo dardar xoogan oo culus markaasi ku leh Somaliland,Eng Faysal Caliwaraabana waxa uu Shacbiga Somaliland ula muuqday Iftiin iyo Shomac usoo baxay aqoonyahankii iyo Dhalinyaradii Somaliland ee xiligaasi Qabyaaladda ka badka qabtay .

Waa goor Fiid ah waxa aanu fadhinaa Gurigaygii hadaba layskuma daahine maxaa dhacay?

 

Dr Maxamed Cabdi Gaboose ****ninkii yaqaan-ayaa-yaqaanee ,waa nin hadalkiisu aanu marnaba ka leexan abaarta Danta uu leeyahay isagu , waa nin Dadka inta badan waydiiya Talada ,odoroska , fikradaha iyo hadba wixii lasoo gudboonaada dhanka Siyaasadda ,kadibna ku go'aan iyo talo qaata isagu wixii uu rumaysnaa, waa Nin Usha Geedka halka uu ka goynaayo Cid na aan kala tashan lakin *Tilmaama in la tilmaamo*

 

Dr.Gaboose waxa uu hadalkii ku bilaabay, madamaa uu isagu ahaa *Dan'ley dan Siyasadeed leh:-

 

1. ""Faysaloow Gudoomiye waxa aan ka doonayaa  In aynu samaysano Is'garabsi, Iskaashi iyo midnimo siyasadeed oo ka dhaxaysa Sahan iyo Ucid.

2. Faysaloow  waxaan doonayaa in iminka aan kugu dhiso sidaad Madaxwayne u noqon lahayd, haddii  Ilahayba kama dhigee aad ku guuldaraysato Doorashada Madaxnimadana waxa aan doonayaa in Musharaxnimada aad aniga iiga tanaasusho adiguna aad noqoto Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo aan weligii aan dhicin.

 

3. Faysaloow waxa aan rabaa in aynu H/Yoonis iyo cududa Ciidagale isu keeno Ul iyo Diirkeedna aynu noqono si aynu isaga caabino cidkasta oo Cadkeena iyo Cuudkeena soo hunguraysa  ,inagana wada dhaxayso  siyaasad leh horumar iyo waxtar la taaban karo.

 

4. Faysaloow waxa aan rabaa in Xisbiga UCID uu noqwdo mid waxtar la taaban karo Somaliland u keena.

 

Warbixintii Dr Gaboose markii ay dhanna uga bixiwayday  Faysaloow hadana Faysaloow  ,wixii intaa ka danbeeyey waxa Hadal kooban oo Koonbo ku jira isna usoo kada-loobsaday  Eng Fayas Caliwaraabe, ku'yee "" Anuu halkan arimahaasi umaan iman *oo ma waxasaad iigu yeedheen!!!!!! hadana hadalkii sii wadyoo yidhi "" Dr Gaboose waxa aad soo jeedisay waa arin fiican ,lakiin anigu maya maya maya ""

 

Runtii Faysal marka uu sidaa u hadlaayo waxa uu rumaysnaa in Xisbigan UCID sidiisaba aanu u baahnayn wax Qaybyalad layidhaa ama in laysu garabsado Qabyaalad iyada oo Madaxnimada Somaliland lagu gaadhaayo, waxa uu u muuqday Siyaasi  ismahadiyey.

 

Faysal Caliwaraabe waxa uu rumaysnaa xiligaasi in Shacabka Somaliland ay u siman yihiin Xisbiga UCID iyo isagaba , waxyaabaha  aan ku xasuusto Eng Faysal waxa ka mid ahaa in aanu Jaamacada  Qabyalada aanu waxba ka aqoon.

 

Eng Faysan waxa uu ahaa nin Kalsooni wayn ku qaba kuna faraxsan Sumadii iyo Sawracii uu markaasi Siyasiyiinta kale kaga soocnaa  ***Gudoomiye Faysan qofka Afkiisa kaga dhawaaqa ayaa hibo iyo haybad Madaxnimaba ugu filayn ,Madaxwayne in uu noqdaana Caano uga fududayd xiligaasi**.

 

HADAL GUN AYUU LEEYAHEE:

 

Ergadayadii xaataa in aanu hadal goobtii ka jeedinaa waa ay nagu adkaatay,waxaana Sabab u ahaa Faysal oo markiiba fadhigii Sarajoog ku bedalay Albaabka Gurigana dhankiisa u dhaqaaqay.

 

Faysal Habeenkaa ergadayadii waa uu ku gacan saydhay,walibana hadalo culculusna halkii waa uu nagaga yidhi ,kadibna Guul iyo Guuldarro mid aad ku sheegtaanba Habeenka la kala galbay.

 

Labaatan Sano Dr Gaboose Afar Urur ayuu Abqaalay ,Faysalna hal Xisbi ayuu wali Karkarinayaa bislaana waa.

Adiga Akhriste maxay kula tahay ?

 

ILLA MAHAD ISKA LEH

W/Q : Khadar Ibrahim Aar.

[email protected]



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...