Nuxurka Shir Doceedyo Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Yeeshay Shir Madaxeedkii Iskaashiga Islaamka Ee Makka

0
Saturday June 01, 2019 - 14:19:52 in News by
  • Visits: 1734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Shir Doceedyo Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Yeeshay Shir Madaxeedkii Iskaashiga Islaamka Ee Makka

    Nuxurka Shir Doceedyo Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Yeeshay Shir Madaxeedkii Iskaashiga Islaamka Ee Makka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Shir Doceedyo Uu Madaxweyne Farmaajo Ku Yeeshay Shir Madaxeedkii Iskaashiga Islaamka Ee Makka


Makka(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka.



Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo fikirka xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dadka Muslimiinta ah.


Madaxweynaha ayaa inta uu shirka socday waxa uu kulan doceedyo la yeeshay qaar kamid ah Madaxda, Boqorrada iyo Amiirrada dalalka Islaamka, isagoona la wadaagay dadaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dowladnimada, waxuuna ka codsaday dhankooda in ay sii kordhiyaan tageerada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliyeed.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing
Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha uu la kulmay dhibaatooyinka ku gadaaman Muslimiinta ku nool daafaha dunida oo shirkani u arkayey fursad wax lagaga qaban karo dhibaatooyinkooda, haddii la muujiyo midnimo, wadashaqeyn iyo iskaashi.

Image may contain: 3 people, people smiling, suit

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Boqor Salmaan Binu Cabdulcasiis martigelinta sare ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa tan iyo markii ay soo gaareen dhulka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

DHAMMAAD



Loading...
Loading...