Xagee Laysla Marayaa Ololaha Doorashada Soomaaliya?

0
Saturday May 14, 2022 - 14:27:48 in News by
  • Visits: 1787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xagee Laysla Marayaa Ololaha Doorashada Soomaaliya?

    Inkastoo qaar kamid ah xildhibaanada ay guurguuri karaan ilaa saacadaha dambe ee habeenka sabtida, wax kastana is beddeli karaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo qaar kamid ah xildhibaanada ay guurguuri karaan ilaa saacadaha dambe ee habeenka sabtida, wax kastana is beddeli karaan,
Anigoo u dhuunduleelay geedisocodka doorashada dadban ee soo bilaabatay bishi Luulyo 2021, iyo dhacdooyinki faraha badnaa ee ka dambeeyay, iyo baratanka siyaasadeed, waxaan is leeyahay sawir waad ka bixin kartaa dabeesha siyaasada halka ay u socoto.

Inkastoo qaar kamid ah xildhibaanada ay guurguuri karaan ilaa saacadaha dambe ee habeenka sabtida, wax kastana is beddeli karaan, Musharaxiinta Madaxweynaha saameyntooda, rajadooda iyo hadalheyntooda waxaan ku soo koobayaa sidan:


???? Farmaajo: tiro cod ah oo aan 100 ka badneyn ayuu qiyaasti heli karaa oo aqlabiyadooda Koonfur Galbeed ay tahay, maalmahan kooxdiisu waxey ka fikirayeen Plan B. Waxay u badantahay in uu wareega 2aad ku jabi doono oo ay ku gooban doonaan xoogagga mucaaradka.

???? Xassan Cali Khayre: nambar fiican oo u dhaxeeyo 30 - 40 ayuu heli karaa. Olole adag iyo dadaal ayuu sameeyay, balse sooyaalkiisa siyaasada xilligi uu Farmaajo la shaqeynayay ayaa caqabad weyn ku ah muuqaalkiisa iyo in uu ka gadmo mucaaradka. Codadka ugu badan wuxuu ka helayaa Galmudug iyo Waqooyi. Plan B inuu u noqon karo N&N ayaa sidoo kale soo xogeysanayso.

???? Xassan Sheekh Maxamuud: abaabul aad u balaaran iyo olole baaxad weyn ayuu galay isbuucyadi la soo dhaafay. Koox xul ah oo u badan xildhibaano carcartooda ay caddahay (Hirshabeelle, Galmudug, Waqooyi) + xulufaysi siyaasadeed oo sal adag leh (Deni, AAW, Cosoble iwm) ayaa ka dhigeyso Xassan musharaxa ugu rajada wanaagsan xagga codadka iyo hadalheynta. Cod u dhaxeeyo 60 - 70 ayay u badantahay inuu heli doono, wareega 2aadna ugu gudbi doono si sahlan.

???? Shariif Sheekh Axmed: tiro cod ah oo fiican ayuu heystaa waloow aysan aad u buurnayn, koox si heer sare ah u abaabulan Shariif ma heysto, olole baaxad weyn ma sameynin waana dhaliil saameyn leh oo uu leeyahay. Plan B ayuu u noqon karaa qaar kamid ah codka N&N (ee soo jabi doono). "Kutlada Seeyseeyā€¯ oo tiradoodu lagu qiyaaso 15 - 20 haddii ay kooxdiisa si rasmi ah ugu biiraan jaaniskiisa wuu sareeyaa. Shariif waa uu heli karaa codad ku dhow 40 illaa 50.

???? Siciid Cabdullaahi Deni: cod aasaas fiican ah oo u badan Puntland iyo Jubaland ayuu heystaa, wareega 1aad inuu ka soo gudbi doono ayaa la sadaalinayaa, rajadiisa guushana waxey ku xirantahay kaalinta uu galo, tirada codka ee uu ku soo baxo, musharaxiinta ay soo wada baxaan iyo sida uu isbaheysi u sameeyo. Deni 50- 60 inuu helo wareega 1aad waa macquul.

???? Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame: dadaal badan iyo campaign fiican ayuu sameeyay maalmahan. Aragtidiisa iyo qadiyadiisa an isbedbeddelin owgeed iyo taageerada uu ka helayo Cabdikariin Guuleed (+ ganacsato qoyskiisa ah), kor ayuu u soo yara kacay, waa macquul in uu soo galo 4-ta ugu sareyso wareegga koowaad ama ugu yaraan cod kuusan helo.


waxaa Qoray  Abdimalik Abdullahi

Loading...
Loading...