Maxaa U Bannaan Mucaaradka S/Land?
Xisbiyada mucaaradka ah laba mid uun baa u bannaan; haddii kale waxa ay galayaan ooddan iyo jare la'aan shaxeed. Waa mida koowaad'e; waxa u bannaan in ay odayga dalka haysta ku jiqsiiyaan oo kaadida ku dhejiyaan, talaabo kasta oo uu qaadana ay ka jawaabaan, oo tu la mid ah kaga falceliyaan. Taasi waxa ay soo dedejin kartaa in uu doorashada madaxwaynaha waqtigeeda ku qabto. Waana sida kaliya ee ay kaga adkaan karaan siyaasadda iyo dabciga qalafsan ee oday Muuse Biixi.
Waa mida labaad'e; waa in ay heshiis dhab ah oo ilaalinaya jiritaanka Xisbiyada mucaaradka, ah la gaadhaan odayga. Si ay damaana qaad buuxa ugu helaan mudo xileedkooda. Heshiiskaas waxa dhalin kara qodobka koowaad oo si taabo'gal ah looga shaqaysiiyo. Qodobkaas koowaad waxa uu abuuri karaa laba jawi ama laba wadiiqo oo ay mucaaradku ku dhawran karaan sharaftooda iyo jiritaanka xisbinimadooda. Labada qodob waa sidan; in ay tartanka doorashada madaxtooyada galaan, iyo in ay helaan damaana qaad kale oo ay kaga tanaasuli karaan 13, November 2022-ka. Intaas wixii ka baxsan waxa soo gaabanaya cimriga iyo calafka xisbiyada UCID iyo Waddani iyo wixii la hal maala.
Igaba dhan!.
Allow Sahal Amuuraha!.
W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad).
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!