Somaliland Maxbuus Doorashooyin.

0
Saturday May 14, 2022 - 09:53:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Maxbuus Doorashooyin.

    Qalinkii: Axmed Cali Kaahin Q/1aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin Q/1aad

Sida ka dhacday waddanka Imaaraa dka Carabta midoobay, wakhti hore oo hadda muddo laga joogo Sheekh Saaid wuxuu ahaa Waayeel xikmaawiya oo kaftan badan oo il dheer oo aad uga fogaa ragga , ka dib markuu sifiican iskugu iskugu dubai riday, tuulooyinkii yar yaree ee reeraha kala kala jaadki daganaayeen, saxarihii a ka dhigay ubuc dunidu kusoo xidhanto.

 

Maalin isagoo shaqo maalmeedkiisii caadiga ahaa wata waxa uu imtixaan yar ka qaaday shaqaalihiisii ul’buu soo qaatay, saf dheerna wuu galiyay shaqaalihii kolba mid buu madaxa kaga yar dhuftaa, mid kastaa oo shaqaalaha ka mid ahi wuu sii foorarsadaa, isagoo muujinaya ixtiraam iyo is dulayn shaqaalahaasi waxay ahaayeen ajaabin waddamo kala duwan kasoo kala jeeda ha u badnaadeen muslimiinta Eeshiya iyo umado kaloo faro badan.

 

Balse waxa dhacday arrin uu aad ula yaabo, markii uu marayay Oday reer Somaliland ah oo ilaa hadda nool sida uu ii sheegay wiil uu adeer u yahay in uu isagu u'shii iska qabtu sheekhu madaxa shaqaalaha kala dhacaayay una sheego in aanu ku dhufan karin gacantiisana iskaga qabto, sheekh Saa’id muu Xanaaqine waxa uu si caadiya u yidhi Somalidu waa rag.

 

Waxa jira waddamada reer galbeedka, ee loo dabo fadhiisto dimuqraadiyada iyo qaabkeeda dacarta iyo malabka meel kuwada yaal ah in ay jiraan shaandhooyin ka miira wixii aan miid ahayn ee la socda doorashooyinkua u fiirso golaha odayaasha maraykanku ciddii ay soo saaraan uun baa soo baxda inaga odayaasheenii waxaynu u aragnaaba in doorashada, lagu dilo oo lagu gawraco, si meesha looga baneeyo.

 

Ninka hadda shaashadaha haysta, ee loo yaqaan aqoon yahan bal imisa Phd ayuu Xaaji Cabdi Waraabe Allaah ha ilaaliyee ka wax qabad badan yahay kaligii bal si hoose u eeg Boqorada Ingiriisku waxay u haysaa ingiriiska ingiriisnimadii oo cid aanay shaambada ugu dhufani magali karto guria nambar 10, ee uu rasiisal wasaaruhu uga arrimo dalkoo dhan

 

Hadda waxaa socda mashruuc balaadhan oo lagu baabiinayo Saldanadeenii marka lasameeyay suldaano badan iyo raggaa aqoonyahanka sheeganayaa iyo ciyaalka hadda siyaasada ku haftayna waxay si cad oo aan gabasho lahayn kuu odhanayaan odayaashii waa laga baxay, waar ingiriis iyo maraykan may ka baxaan.

 

Waa mashaariic lagu daloolinaayo shaandhadaa si siyaasiyiintu is kugu soo goostaan oo cid kala haadisa loo waayo, marka dambana dabka inawada saara sdii hore u dhacday, waxa taariikhda dhaw iyo tii hore ee reer Somaliland ku xusan wax kastoo siyaasi xumi kharibo in suldaan iyo oday dhaqameed hagaajiyaan ragna waxaaba laga hayay odayaasha halaga jaro lacagta yare e raqiiska magaca u yaalka ah ee cawri gafka loo dhigo Caaqilada la siiyo taasi oo tilmaamaysa bisayl la’aan iyo dhugasho hoosayn aan hufnayn oo dano shakhsi ku dhex jirto, suldaamada oo aan hadalkoodu haboonayna maaha in lagu tiigaalaayo.

 

Dimuqraadiyada galbeedku waa sawir warbaahintu maamusho gacantana ugu jira dad gaara oo la yaqaano, ninka la doonayao in lasoo saaro ama in salaanka laga tuuraana sida rimuudkaa loo sidhimyaa waxana jira in ilaa 50 sanadood saansanta siyaasada waa la saadaaliya lana jaan gooyaa dadku haba codeeyaan ama ha xiiqaane, oo waxaad dib u raacdaa doorashii Buush iyo Algoor ee cariga marayka muddo sii horaysay waxa cod badnaa Algoore balse shaandhadaa reebtay oo wax aynaan fahmayn oo la yidhaado electorals ayaa dhexda u fadhiistay, guushiina qoorta Buush u sudhay waxaana u taliya shirkado qoysas leeyihiin iyo rag raga oo isku duuban si fiicana, iskugu duba dhacsan.

 

Haddaba cidii, ina'kala saaraysay in aynu ku tumanaa malaha gar maaha, waliba waxaa kasii daran in gacmo shisheeya ay doonayaan in ay dumiyaan waana inta aynu Soomaali meelkastay joogto dheernahay.

 

Odayaashu waa qaabkii electoralka maraykan ee aynu ku kala baxaynay u fiirso doorashadii Daahir Riyaale waatii sida dadku ku sheekaystaan Sheekh ibraahim Allaah ha u raxmadee, Cumaamadiisa saaray kafadii, taasi oo keentay in dhinac u ciirto, dadka qaar baa u haystay in uu ka hiiliyay Madaxwayne Siilaanyo,

 

balse dad badan baa qaba in uu ahaa hiil qaran iyo mid labada musharaxba waayo Madaxwayne Siilaanyo waa kaa maanta kursigii loo salaxay gorada uga baxay isagoo kasii qurux badan sidii hore balse xaalada waagaasi malaha sidaas odayaashaa xal ahayd dadka iyo dalkaba xaaladii taagnaynd.

 

Dimuqraadiyadu maaha ta galbeedkoo kaliya ta Turkiga waa tu cajiiba oo isku laaqan islaam iyo reer galbeed qaab koodii filimkana sifiican bay u fahmeen, waana lagu wareeray ilaa maanta, oo rag maskax furan baa haysta oo la fahmay dunida sida loola noolaado wakhtigan, dhinaca dhaqaalahana waa dalalka dunida ugu horeeya, waxaanay gaadheen in ay noqdaan waddanka 6aad ee dhinaca ciidamada ama afantariga, dee basha biyay iskaga dareen sideenan kumay beercadaan intaynu wadda liqnay.

 

Markii xornimada la helay aad baa loo farxay balse abwaano badan oo Qaasim iyo timadacade iyo barkhad cas iyo rag badan oo kale, waxaa u bildhaamay in bulshadu ku dhacday dabin sii qorshaysnaa oo ninkii caddaa uu badalay mid madaw oo sidiisii u fikiraaya taasi oo ilaa maanta taagan inkastoo lagu soo doogay,

 

waxa xiga qaybtii 2aad hadii Allaah Scw, idmo . 07/1/2016

 

Qalinkii :Axmed Cali kaahin                           

    HA HILMAAMIN XUSKA RABI.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...