Khilaafka Guddiga Doorashooyinka Maxaa Ka Dhalan Kara?

0
Saturday May 14, 2022 - 09:18:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Guddiga Doorashooyinka Maxaa Ka Dhalan Kara?

    "Muddo kordhintaasi waxa sababay khilaafka guddiga doorashooyinka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muddo kordhintaasi waxa sababay khilaafka guddiga doorashooyinka"

Khilaafka guddiga doorashooyinku wuxuu keenay inay shan xubnood isku dhinac noqdaan oo ay guddoomiye cusub doortaan, Halka laba xubnood iyo agaasimaha guddiga doorashooyinkuna ay dhinac noqdeen.  Haddaba haddii khilaafka xal loo heli waayo, ugu yaraan waxa ka dhalan kara saddex arrimood:



- Inuu madaxweynuhu kala diro xubnaha guddiga doorashooyinka ee haatan ay baadhistu ku socoto. Soo magacaabista kuwa cusubna ay qaadato wakhti badan.


- Inay gebi ahaan dib u dhacaan doorashooyinkii furista urrurada iyo tii madaxtooyadu. Waxaana halkaasi ka soo baxaya in mar kasta oo ay xisbiyada mucaaradku yidhaahaan madaxweynuhu sharci maaha, iyana lagu yidhaa idinku sharci ma tihinid oo jiritaankii 10 sanno wuu dhammaaday.


- Inay golaha Guurtidu muddo kordhin u samayso xukuumadda jirta, markay arkaan xaaladda taagan ee ah in aanay doorasho dhacayn. Waxa ay qiimeyn doonaan xaaladda dalka si aanu dalku dawlad la’aan ugu dhicin. Muddo kordhintaasi waxa ay noqon kartaa sannad ama laba sanno. Muddo kordhintaasi waxa sababay khilaafka guddiga doorashooyinka, oo maaha dalab toos ah oo ay xukuumaddu keentay.



W/Q: Cali Cabdi Coomay


Loading...
Loading...