Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Wafdigii Maraykanka Ee Yimid Somaliland

0
Friday May 13, 2022 - 21:57:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay Wafdigii Maraykanka Ee Yimid Somaliland

    "Siyaasadda Maraykanka ee salka ku haysa Somali mid ah ( one single Somali policy)"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Siyaasadda Maraykanka ee salka ku haysa Somali mid ah ( one single Somali policy)"

Hargaysa (HWN) Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa ka hadlay safarkii Safiirka iyo saraakiisha sarsare  ee Maraykanka,  ay ku yimaadeen Somaliland.



Waxaanu Xaashi sheegay in ay tahay guul in Somaliland xidhiidh toos ah la yeelato dawlada caalamka ugu quwada wayn, sida uu siyaasigu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-


Qalfoofka iyo qusurrada siyaasadda, inta muuqata waxaa ka badan, inta qarsoon ee aan badi ishu qaban, ee yaan lagu qaldamin


Saacadihii ina soo dhaafay, waxaan baraha bulshada ku arkayey, dareemo kala duwan,  oo laga bixiyey safarkii Safiirka iyo saraakiisha sarsare  ee Maraykanka,  ay ku yimaadeen Somaliland.


Gari alle ayay taqaane, anigu qof ahaan ma qabo in aynu dhacdadan ka dhaxalay quudhsi iyo  qaranjab.

Waxaan aaminsanahay in ay arrantani ahayd balaysin iyo bilow xidhiidh toos ah, oo ina dhex mari doona, dalka dunida ugu xooga weyn kaas oo aan hore  u jirin.


Ma haboona In aynu ka dhiillaabno ama ku dhega barjawno dhawaaqa erayo siyaasadeed oo meelo lagu dhigay. Waxaa dhab iyo biyo kama dhibcaan ah, in aan dawlada Maraykanku maanta aqoonsanayn madax-banaanida iyo mabda'a gooni isu taaga Somaliland. Waxaa kale oo iyana dhab ah, in dawlada Maraykanku sida dharaarta u ogtahay in Somaliland tahay dal ka go'ay Somaliya, oo aan maanta xamar laga xukumin.


Siyaasadda Maraykanka ee salka ku haysa Somali mid ah ( one single Somali policy), ma, aha mid ugub ah. Balse,  waa curad soo taxnayd muddo ku Siman soddon sano.  Wax ka bedelka siyaasadaasi ma, aha mid ku imanaysa safar iyo laba safar toona. Hasayeeshee waa mid inooga baahan sabir iyo siyaasad sal balaadhan.


Waa guul weyn oo siyaasadeed,  in aynu maanta yeelano dalka maraykanka, xidhiidh toos ah, iyo iskaashi amni,  iyo mid dhaqaale oo aan hore u jirin. 


Waa guul weyn oo siyaasadeed, in aynu maanta ku yeelano labada aqal ee congress-ka, saaxiibo tira badan oo ka kale tirsan labada xisbi ee muxaafadka iyo mucaaradka.


Arrimahaasi waxay inaga mudan yihiin, in aynu eebe uga mahad celino, iyo in aynu madaxdeena ku amaano.

Xaasha!!! inagama mudna in aynu kaga fal celino is eedayn iyo ifafaalo xun oo ka aradan aqoon iyo ogaal.

Ugu danbayn, waxaa kale oo muhiim ah,  in aynu maanka ku hayno, in arrimaha millaterigu leeyihiin raad-gadasho, sir raaran, iyo xogo aan rasmi laga dhigin, oo raarta guriga lagu reebo.


Haddaba, waxaan leeyahay qalfoofka iyo qusurka siyaasadda, inta muuqata waxaa ka badan, inta qarsoon ee aan badi ishu qaban. Sidaa darteed, waar hooy  yaan lagu amban, illimaheeda iyo ubucdeeda badan.

Loading...
Loading...