Taliska Ciidanka Maraykanka Ee Africa (AFRICOM) Oo War Cusub Ka Soo Saaray Kulammadoodii Somaliland

0
Friday May 13, 2022 - 18:33:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2453
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Maraykanka Ee Africa (AFRICOM) Oo War Cusub Ka Soo Saaray Kulammadoodii Somaliland

    "Waxaanu bogaadinaynaa doorka weyn ee Somaliland ku leedahay Gobolka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu bogaadinaynaa doorka weyn ee Somaliland ku leedahay Gobolka"

Hargaysa (HWN) Kulammadii 12-ka May aannu ku yeelanay Hargeysa iyo Berbera waxa aannu diiradda ku saarnay sida labada dhinac uga faa'iidaysan lahaayeen iskaashi sokeeye oo ay yeeshaan Somaliland iyo Maraykanku. Iskaashi wada-shaqayneed oo weyn oo dhex mara Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo Ciidammada Militariga iyo Ilaalada Xeebaha Somaliland wuxu kor u qaadayaa ka midho dhalinta danaha ay ka wadaagaan dhinacyada xasilloonida gobolka iyo ilaalinta marinnada muhiimka ah ee ganacsiga.



Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa lagu yidhi, "Waxaanu bogaadinaynaa doorka weyn ee Somaliland ku leedahay Gobolka, dhinacyada adkaynta nabadda, xasilloonida iyo dimuqraadiyada.


Taliska Ciidanka Maraykanka ee AFRICOM waxa ka go'an inuu raadiyo helitaanka fursado badan oo qoto dheer u yeeli kara iskaashiga ay la leeyihiin Somaliland, oo ay sal u yihiin yoolalka aan wadaagno oo ay ka mid yihiin la-dagaalanka argagixisada, Budhcad-badeedka iyo ficillada tahriibinta."


No description available.


Loading...
Loading...