Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Kutimid Madaxwaynihii Imaaraadka Carabta
TACSI MADAXWEYNE: 13/05/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa,
ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah
u dirayaa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbi-weynaha dalkaasi ee
aynu walaalaha-nahay, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid madaxweynihii
dalkaas Marxuum Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo maanta oo jimce ah
taariikhduna tahay 13/05/2022 geeriyooday.
Madaxweynuhu waxa uu madaxweynaha geeriyooday ku tilmaamay oday siyaasi ruugcadaa ah oo ka baxay guud ahaan Dunida iyo gaar ahaan Dalalka Carabta, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatay dhismaha iyo horumarka dalkiisa, Somalilandna ay ku xasuusan doonto xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhaxayn jiray labada dal iyo labada shacbi ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo intii uu talada hayey dib loo ambo qaaday, kana dhasheen horumarada ka socda dalka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu gacanta ku hayo.
Madaxweynuhu waxa uu
marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dalka
Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shacbigii uu ka baxayna samir iyo iimaan
saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.