Shir-gudoonka Golaha Wakiilada SLAND Iyo Wakiilka Taiwan Oo Kulan Yeeshay
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland
mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo uu weheliyo Gudoomiye kuxigeenka golaha Mď. Siciid Mirre Faarax (Giire) Xoghayaha Guùd iyo la-taliyaha Arimaha Caalamiga ah ee
Golaha ayaa maanta Xarunta Golaha kulan kula yeeshay Safiirka dalka Taiwan u jooga Somaliland Ambassador Allen C Lou.
Gudoomiyaha ayaa kulankan uga mahad celiyey Taageeradii iyo garab istaagii Dalka Taiwan kaga qayb qaateen Musiibadii haleeshay suuqa weyn ee Hargeysa ee #Waaheen.
Sidoo kalena waxaý labada dhinac aad isula lafagureen sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Golaha iyo Safaarada iyadoo safiirkuna shirgudoonka uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay u qaabileen isagana ay ka go'an tahay in Dareenkaas wadajir iyo wax wada qabsiga ku dhisan uu joogteynayo oo uu kor usii qaadayo.