Waalid Wiilkoodii Ku Dacweynaya In Uu Ubad Dhali Waayey
Lamaane ku nool gobolka Uttarakhand ee waqooyiga Hindiya ayaa ku dacweeyay wiil ay dhaleenee madiga ah iyo xaaskiisa, kaddib markii ay ka waayeen ilmo ay awow iyo ayeeyo u yihiin kaddib lix sano oo ay is qabeen.
Sanjeev iyo Sadhana Prasad oo 61 jir ah iyo 57 sano jir ah ayaa sheegay in dhaqaalahoodii u keydsanaa si ay u koriyaan wiilkooda, iyagoo bixinaya sidoo kalena qarashka tababarka duuliyennimo ee uu qaadanayo xilli ay sida oo kale u dhigeen aroos aad u wanaagsan.Waxay dalbanayaan magdhow qiimihiisu ku dhow yahay $650,000 (£525,000) haddii ilmo awoowe ah uusan dhalan sanad gudihiis.
Wiilkooda iyo xaaskiisa ayaa xaaladdan qoyskooda soo wejahday ka hadlin.
Dacwadda aadka aan caadiga u ahayn ayaa lagu xareeyay sababo la xiriira "ka-xadgudub maskaxeed".
Waxa uu ku soo laabtay Hindiya
2007-dii, balse waa uu waayay shaqadiisa, qoyskiisuna waxa ay ku qasbanaadeen
in ay dhaqaale ku taageeraan in ka badan laba sano, sida ay qortay Times of
India.Shrey Sagar, 35, ayaa ugu dambeyntii helay shaqo duuliye ahaan.
Waalidiintiisa waxay sheegeen inay u guuriyeen Shubhangi Sinha, oo hadda 31 jir ah, sannadkii 2016-kii, iyagoo rajaynaya inay heli doonaan "ilmo ay awow u yihiin oo ay la ciyaaraan" inta ay hawlgabka yihiin.
Waalidiintan ayaa sheegay in ay bixiyeen qarashka arooska oo ka dhacay hotel 5-xiddigle ah, gaadhi nooca raaxada ah oo qiimahiisu yahay 80,000$ iyo bisha malabka oo ay ku soo qaateen dalka dibadiisa.
"Wiilkeygu wuxuu guur lahaa lix sano laakiin weli ma qorsheynayaan ilmo," Mr Prasad ayaa yidhi. "Ugu yaraan haddii aan haysanno ilmo awoowe ah oo aan waqti la qaadanno, xanuunkayagu wuxuu noqon doonaa mid loo dulqaadan karo."
Qareenka u doodaya lamaanahan oo lagu magacaabo AK Srivastava ayaa u sheegay wargeyska The National in lamaanuhu ay lacagta dalbadeen "sababta oo ah naxariis maskaxeed"."Waa riyo u ah waalid kasta inuu noqdo awoowe, waxay sugayeen sannado si ay u noqdaan awoowe."
Codsiga lammaanaha, oo laga gudbiyay Haridwar, ayaa la filayaa inay maxkamaddu dhegeysato 17ka May. Wiilkooda iyo xaaskiisa uma muuqdaan inay ka hadleen.
BBC