Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo U Xamaan Urursanaya Shir Ay Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Kaga Arrinsadaan

0
Thursday May 12, 2022 - 20:12:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo U Xamaan Urursanaya Shir Ay Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Kaga Arrinsadaan

    Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo U Xamaan Urursanaya Shir Ay Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Kaga Arrinsadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo U Xamaan Urursanaya Shir Ay Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Kaga Arrinsadaan


Hargeisa(HWN):-Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI ayaa isu diyaarinaya kulamo hoose oo adag, kuwaasi oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee soo wajahday Somaliland kadib khilaafka la sheegay in uu ka dhex qarxay Komishanka Doorashooyinka qaranka taasi oo keentay in Madaxweynuhu guddi baadhiseed u saaro. Walaaca ay ka qabaan dib u dhaca doorashada Madaxtooyada iyo sidoo kale furista ururrada siyaasadda.



Ilo-wareedyo xog ogaal ah oo u dhun daloola xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyey in ay Masuuliyiinta labada xisbi ku hawlan yihiin kulan ballaadhan oo ay si degdeg ah isugu yimaaddaan si ay uga arrinsadaan xaaladdan cusub oo ay walaac weyn ka qabaan in ay keeni karto khilaaf siyaasadeed oo xisbiyada ka dhex qarxa.

Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo dorraad shir jaraa’id ku qabtay Gurugigiisu waxa uu sheegay in ay isugu iman doonaan xisbiyada Mucaaridku kulan ay kaga arrinsan doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalku galay. "Asxaabta mucaaridku waxay isugu iman doonaan shir deg degga. Waxa shacbiga iyo daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland filayeen in si cad oo aan mugdi ku jirin uu uga hadlo Madaxweynuhu arrimaha doorashooyinka, si shacbigu ugu diyaar garoobo xilliga doorasho kastaa qabsoomayso oo ay ugu mudantahay uguna soo horrayso doorashada madaxtooyada oo ku beegan 13-ka Bisha November ee sannadkan 2022.

Dalku wuxuu qaaday jidkii digtaatooriyada (kalidii talisnimada) iyo sharci darrada, taas oo horseedi karta, cawaaqib xumo aan Somaliland mahadin, dhamaan taageerayaasha xisbiga Waddani waxan u sheegayaa in ay u diyaar garoobaan tallaabo kasta oo dalka dib loogu soo celinayo nidaamkii doorashooyinka.

Axsaabta mucaaradka ahi waxay iskugu iman doonaan shir deg deg ah oo ay kaga arrinsanayaan marxalada dalku galay”. Sidaa ayuu yidhi Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Ca.li Waraabe oo warbaahinta waraysi siiyay ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku eedeeyay in aanu aanu hayn waddadii doorasho lagu gaadhi lahaa, isaga oo ku Madaxweynaha ku eedeeyey in uu ka danbeeyo khilaafka soo kala dhexgalay guddida doorashooyinka. Faysal Cali Waraabe oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Waxba u diyaar maaha, wuu iska hadlayaa, haddii uu u diyaaryahay farsamadeedi ayuu keeni lahaa, wadatashi ayuu keeni laha, waxaa la gaadhay wakhtigii diwaangalinta la bilaabayay, koomishankii ayuu buuq galiyay oo hadda aan shaqayn toddobaad dhan, wuu meeraysanayaa. Waanu ka hor tagaynaa in aanu dalku naga qasmin, waxyaabihii lagaga hortagayay waanu haysanaa”.

Kulankan ay isugu imanayaan xsbiyada Mucaaridka ahi ayaa ku soo beegmaya khilaaf cakiran oo ka dhashay xaaladda Komishanka iyo shaki weyn oo ay xisbiyadu ka qabaan in Madaxweynuhu isagu yahay masuulka ka dambeeya khilaafka Koomishanka si doorashada Madaxtooyadu dib uga dhacdo wakhtigeeda”.

Loading...
Loading...