Xisbiga WADDANI Oo Dhagar Ku Tilmaamay Mashruuc Wasaaradda Qoyska Somaliland Waddo
Hargeysa - (HWN)-
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa dhagar ku tilmaamay mashruuc dadka
danyarta ah ee reer Somaliland qaarkood lagu gaadhsiiyo lacago aad u yar oo la
sheegay in uu ka yimid Mashruuc uu dhawr sano ka hor Madaxweynaha Soomaaliya
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka daah Furay magaalada Muqdisho kaasi oo ay
maalgaliyo Bangiga adduunku soona mariyo hay’ado safa-fal, si isku mid ahna uga
socda maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo xataa Somaliland, Mashruucan oo
dhinaca Somaliland ay fuliso Wasaaradda Shaqo-galinta, Qoyska iyo Arrimaha
Bulshada.
Xoghayaha Arrimaha
Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Maxamed Siddiiq Dhamme oo daba
socda xaaladda mashruucan ayaa waxa uu ku tilmaamay mid sharafta qaranimada la
siisanyo qado kooban, sida uu hadalka u dhigay, taasi oo magac dil ku ah dadka reer Somaliland isaga oo sheegay in aanay
ka xisbi ahaan garanayn goorta Mashruucan yar dalkeena laga ogolaaday iyada oo
xukuumadda Somaliland sannadkii 2020 hore u diidday.
"Baxnaano waa
mashruuc dhagar ku ah Qaranimada Somaliland, waxaynu ula baxnay Daryeel $20
ayaa lagu gumaynayaa 32,000 oo Haween ah, Mashruuca waxaynu diidnay 22-kii
Bishii April 2020. Goormaa la ogolaaday? Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee laga
wado Mashruuca maxaynu kaga duwannahay, qado Qaranka yaan la siisan!” sidaa
waxa yidhi Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane
Maxamed Siddiiq Dhamme.
Wasaaradda Arrimaha
dibadda & Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa 22-kii Bishii April
waxa ay soo saartay war-saxaadeed ay ku sheegayso in aan mashruucaasi dalka
laga ogolayn waxaanu qoraalka ay Wasaaraddu maalintaasi soo saartay u dhignaa
sidan: "Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war galinaysaa Qaramada
Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub iyo Baanka Adduunka in Barnaamijka
Maamulka Muqdisho ula Magac baxay Baxnaano, kuna sheegay in qaybo ka mid ah uu
ka fulin doono deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay faragalin
qaawan oo waxyeelo ku ah amniga Somaliland, isla markaana uu yahay Barnaamij
lagu marin habaabinayo Bulshada Caalamka. Dawladda Somaliland waxa ay uga
digaysaa maamulka Muqdisho isku dayga taagta daran ee uu ku rabo in uu ku fara
galiyo qarannimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxayba cod
dheer ugu sheegaysaa in uu maamulkiisu ka waantoobo sheegashada caal-waaga ah
ee xuduudaha Somaliland.
Dawladda Somaliland
waxa ay si gaar ah uga codsanaysaa baanka adduunka in uu ka fiirsado deeqaha la
siiyo maamulka aan masuulka ahayn ee ka dhisan Soomaaliya kaas oo caadaystay in
uu u adeegsado deeqaha iyo caawimooyinka aadane ee adduunka ujeedooyin gaar ah,
kuwo siyaasadeed oo lagu khalkhal galinayo amniga iyo xasiloonida Somaliland.
Ugu dambayn dawladda
Somaliland waxa ay si adag uga digaysaa cid kasta oo isku dayda in ay qayb ka
noqoto isku dayga fulinta mashruucan ka hor imanaya madax banananida
Jamhuuriyadda Somaliland” sidaa ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka hore dawladdu
ugu mamnuucday mashruucan balse xisbiga WADDANI sheegay in ay imika waddo
Wasaaradda Shaqo-galinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshadu. Waxaana qoraallo
xisbigu arrintan kaga hadlayo oo uu Bulshada kula wadaagay Baraha Bulshada ka
muuqda Agaasimaha Wasaaradda oo marar hore Boggiisa ku baahiyey kulamo la
xidhiidha mashruucan oo uu la qaatay daneeyayaasha mashruucan oo dhinaca
Muqdisho looga yaqaano Baxnaano, wasaaradduna ula baxday Daryeel Bulsho.
Isku soo wada duuboo mashruucan ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay Baraha Bulshada isaga oo qayb ka ahaa khudbaddii sannadlaha ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo tirada dadka la siiyay uu Madaxweynuhu qalday, xukuumadduna mar kale dib u baahisay tirada haweenka ka faa’iidaystay iyo xaddiga lacagta oo ay sheegtay in ay dib u saxday, taasi oo faallada ugu badani ka taagan tahay xaddiga aadka u yar ee lacagta ah ee dadka ka soo gaadhaysa mashruucan. Waxa uu Mashruucani ka socdaa magaalooyinka Lughaya, Gabilay, Saylac, Caynaba, Xuddun iyo Taleex. Waxaanay xukuumaddu sheegtay in ay ka faa’iidaysteen illaa imika 32-kun oo qoys oo u dhiganta 200,000 oo qof, bil walbana la siiyo qofkii $20 Doollar.