18 May Aniga Murugay I Galisaa !

0
Thursday May 12, 2022 - 14:48:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    18 May Aniga Murugay I Galisaa !

    Maxamuud Axmed Xuseen Al-Karaama.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamuud Axmed Xuseen Al-Karaama.

Sanadkii 1998kii ayaa goor habeena uu aabahay iiga sheekeeyay maalmihii ugu adkaa halgankii SNM  .

Waxa  uu yidhi " sanadihi 1988-1989kii mid ahaan  ayaanu anagoo dhalin yaro ah  ka soo kicitinay degmada Awaare ee DDSI,  waxa na soo kiciyay abaabul ay ku dheehnayd qiiro diineed iyo mid wadaniyeed  oo ay waday jabhadii SNM.



  Waxa aanu nahay kontameeyo(50) nin oo geel jiraa ( gaas dhagool) waxa aanu u soo jihaysanay dhanka meesha la yidhaa Cadaadlay oo ay ka socdeen dagaalo qadhaadhi .

Waxa aanu soo boqoolnaba waxa aanu soo gaadhnay furin dagaal oo rasaasta iyo hubka culusi sida roobka ugu socdaan .


Tababar ciidan ma lihin , sahay ma wadano , saanad milatari oo aan ka ahayn qoryo uu Af-jeexu  ugu tun roon yahay ma wadano.


 Waxa aanu is wajahaynaa ciidamo milatariya oo wax waliba u dhamays tiran yihiin.  Waxa aanu se dheernahay  ciidanka  nala dagaalamaya ayaa ahaa,  waxa aanu aamin sanahay in aanu galayno jihaad sida ay noo sheegeen wadaadadii iyo cidii dagaalka abaabulaysay , sidoo kale waxa aanu isu aragnaa rag geesinimadu biyo dhigatay oo waxa aanu wax ku wadnaa xiniin iyo raganimo aan waxba laysula hadhin .


Waxa aanu galnay dagaal culus oo saddex  caano-maaal aan fooda lakala qaadin . Waxa kaliya ee aanu miciin bidnay ayaa waxa uu ahaa difaac .


Maalintii afraad ayuu naga qaboobay dagaalkii.  Waxa aanu aasanay kuwii naga dhintay oo qaarkood qudhmeen. Waxa  anaga gaar ahaan intayadii ka soo hadhay dhawr iyo toban qof.


 Anaga oo gaajo , daal iyo haraad la ildaran oo saddex cisho aan wax afkaa galin ayaanu xagaa iyo buuralayda waqooyi u carawnay.


 Waxa aanu soo gaadhay goor bacdal maqrib ah  reer sida ay noo sheegeen ahaa Ciise Muuse oo buuralayda dhex degan .


Waxa aanu waydiisanay biyo iyo cunto , hase yeeshee , waxa ay noo sheegeen in ay gadoon ku yihiin halkan oo xoolahaas wax ay ka helaan mooyaane aanay wax kale haysan .


Waxa ay na siiyeen orgi yar oo ugayba waxa aanay nagu yidhaahdeen " meelahaa ku qasha oo fadlan nagala fogaada yaan nalagu kiin soo eegane."

" Haye " ayaanu ku nidhi ee "  dab aanu ku dubano nasiiya ".


Waxa ay yidhaahdeen " dabkuba waa ka noogu daran oo waa ka ay diyaaraduhu soo eegtaan ee ay wax ku  duqeeyaan.


Waxa aanu qaadanay orgigii oo aanu intaanu gawracnay uus miiranay oo aanu hilibkiisii oo qaydhin cunay .

Halkaa markay marayso ayaan waydiiyay aabbo


" Aabo maxaa idin kalifay ?

Eeg jaawabta uu aabbahay maalintaas i siiyay,  waxa laga joogaa 24 sano,  wax kale oo aan xiligaa xasuustaa ma jiro oo aan ka  ahayn sheekada iyo jawaabtaa uu aabbo  isiiyay .


Xataa qaabkii aabbahay ma xasuusto maadama oo uu sanadkaa dhintay , hadana hadaladiisii qaar ma ilaawo .

Waxa uu  yiadhi " Si aydun idinku ugu aydaan ayaanu halgankaas u galnay "


Aniga oo jawaabtaas ku faraxsan oo rajaynaya in aan halgankii aabbo u aayi doono ayaan soo barbaaray .

Se barbaaristaydaa ka dib 24 sano oo maalintaa laga joogo aniga iyo wiilkaygii oo hada ku dhaw da'dii aan xiligaa ahaa isla aayi taankii baanu wada sugaynaa.


Waayo halgankii ka dib , Halgankaa aabbo kuma helin waxbarasho tayo leh , caafimaad , biyo nadiif ah iyo xataa mararka qaar shaqo .

Anigaa galay halgan   ka badan halgankii uu aabbo  u galay aniga iyo caruurta Soomaliland


Anigaa wax isbaray , anigaa caafimaadkayga isku qaba , anigaa biyo raadsada , anigaa shaqooyinkayga raadsada , anigaa .....


Hal mar ayaan waligay wasaarad shaqo ka dalbaday , tiina markii liiskii layga reebay sabab la xidhiidha in aanan cidna u kaxaysan waan iska daayay .


Bal hadda u fiirso anigu Hargaysa meel aan dego kuma lihi , mana iibsan karayo baryahaa .

Ogobeey ,  halgankankii aabbo waxa uu daaranaa in aan helo meel aan dego , biyo nadiif ah , waxbarasho bilaash ah , adeegyo caafimaad oo bilaash ah,  shaqo loo siman yahay  iyo dhammaan adeegyada dawladeed oo hufan ,  intiina ma hayo ee aniga 18 May maxa ay iigu fadhidaa dadaw ? sow hadalkii aabbahay uun ima xasuusinayso .


Saw niyad jab maaha marka aniga oo master ah   aan tabo aabbahay si uu iigu raaco wasaarad iyo goob shaqo  sida uu Ina Muuse  Biixiba aabbihii uga dhigay nin gaadhi qaaliya wata , guri qurxoonna ku jira .


Saw niyad jab maaha in xildhibaan yurub ka yimid uu intaas oo hictar oo dan guud ah xidho ana aan ka qatanay .

Ninka  Mayda sheeg sheegayaw

hay xasuusin maytida .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...