Daruufaa Hadda Taagan Askariga Ka Dambeeya ( Abdi- Shotaly).

0
Thursday May 12, 2022 - 11:18:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daruufaa Hadda Taagan Askariga Ka Dambeeya ( Abdi- Shotaly).

    N.B Alle Deeq Badnaa, dad ma mooday hebel!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N.B Alle Deeq Badnaa, dad ma mooday hebel!

Ruux haduu dawakho, dano gaar ahna doono, ama uu dulmi raadsho isagaa ku dayooba, ee bal dayaay askartii, oo dariiqii ka halaabay, wakhtiggii uu dabray, dabin qoorta gashay, ummaddii ka dareertay, beenta uun daldalaaya, distoorkii iska xooray, shaeciggii dumiyey, dalkii weerar gashay, khasab waar nagu doorta, saw dagaal may saxeexin, beello laysku diro iyo ma horseedin duqayn, dalkii wuu burburoo, qaylo waa tan dayaantay, duruufaa hadda taagan, askarigaa ka dambeeya, ee bal an eegno duuga iyo waxa ay dihato. Akhristaw, ma jiraan wax idinka dahsooni, shan sano oo kale miyaan u dul qaadan karnaa hanti boob, khasab igu doorta, eex iyo boob, inaka oo la iska keen hor keeno, ilayn isaga bay dani ugu jirtaaye. ma idinla tahay in aan iska qabano tuugta la idiin soo diro, ee magaca reer-kiina la idiinku maqaar saaray, kuwaas oo uu kuu adeeg-sado askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" noocaas aan hunguri iyo maxaad xadaan mooyaane aan cid kale iska daayoo, aan beesha ay magacoodda ku ceeshaan ee ay ka soo jeedaan loo direy in ay xiniin-yaaha askariga u qabtaan, bal hadda ila akhriya maansadan hoos ku taal, waxa ay idiin sheegayso waa tane:-

 

Naftii meel ka bugtaa,

Iyadays makashee,

Miskiin baad tahay liita,

Garaadkii laga miirtay,

Ma hadaad burqatay,

Oo maraddii iska xoortay,

Mara-boobta i saaran,

Maaweelaan u arkaaye,

Maxaa la iska ba'ay,

 

Askari baa wax is mooday,

Qalbigiina madawyey,

Maskax meesha ku hayn

Macangag ah oo la yaqaan,

Baad u maleegtay dalkii.,

Dar kaluu mulkiyey,

Maxaabiis u xaraysan,

Uu ku haysto majlis,

Iyana saw waxba maaha,

Aqooneey magacaa-be,

 

Ma haduu malma-luuqay,

Maraan aan wax ogayn,

Miyirkii ka halaabay,

Hadba meel isku qaaday,

Maraddii dumarka,

Ka maroojay quruush,

Gudi baad mudan-tiin,

ku mash-quulshay haween,

Maato been ku rogaaya,

Oo muraado u gaar ah,

 

Kolba meel ku faq-sheen,

Ka muquurtay raggii,

Micna-hiisa yiqiin,

Waa maraano ilayne,

Bal miciin-saday been,

Wax aan meesha-ba oolin,

Markii loo iman waayey,

Madhane uunku ka yaacay,

Kuwo uu buko maanku,

Maksab raadinaya,

 

Hunguri uun u maleegan,

Ku shaqaysta magac,

Loo maqaaray-na beel,

Meela loo diranin,

Cidi soo marti-yeyn,

Moogaan baa idin haysee,

Ku meeraysta dad-weyne,

Musanaw la wareega,

Af-lagaado la meera,

Mugdi-gaas ku abaadda,

 

Marmar-siiyo ku waasha,

Bal ciddii idin moog,

Marjayey isla booday,

Milil ruuxa dhayaaya,

Ka dilaacshay maqaarka,

Muuqda oo la arkaayo,

Ku dedaaya ma hoobi,

Ma yeedhaanka waraaqay

La soo maamulayaa,

Miyuu maydhi karaa,?

Boogta dhuux mudaysa!

 

Waxa la yidhi Muwaadin "Waayeel hor-tiisa baa caano loogu biyeeyaaye" Komishankkii waa kaas iska hor keenay, ee Hanti dhawrka geshay, si uu wakhtiga uga haleeyo, Khudabd ku sheegtii  uu ka hor booshaaqay Labadda gole, iyana waad maqlayseen, in uu xaar is mariyey, siddii u caadiga ahayd, iyo beentii uu soo malmaluuqi jirey, ee maxaa kuu hjadhay. Wax kaa qarsoon, oo laguu sheegi karaa ma jirto, wax waliba hor-taadda bay yaalaan, haddii aanad iska indho tirayn, ma waxa aynu ka yeelaa, aniga oo keliya baa doorasho isu soo taagaaya, oo labadda Xusbi Mucaarid, ururo bay noqonayaan, oo doorashadda madax-nimadda ma geli karaan? Caqliga cayn-kaas ah, ee ay hunguri iyo xoolo boob, wax ka dhaqo, isku dir oo ka dhex faa'iid mooyaane, aan maanka wax kale ku haynin ma ka qaadan karnaa? Kuwaasi ma ina maamuli karaan? Waxay hore kuugu qaban waayeen miyaad hadeer ka helaysaan? Bal ma is weidiiseen ilaa imika irbad ay dun kuu geliyeen, beel kastay-ba kuwa kaa soo jeedda, in ay baloodhadda dan yarta boobaan mooyaane? Kumaa ii sheegaaya wax aynu ku sii eegano? Waxan ku soo xidhay khal-khalka uu askarigan waalani dalkii iyo dadkii geliyey, ma sii eegan karno, kumana noolaan karno sidan ee waa in aynu ka kacno, oo gacan wax kaga qabno, wanaag ma laha, mana qaato, waxa keliya ee uu dib isugu taagi karaa waa iyadda oo lala cada-cadysto, oo la yidhaaho cirka soo dumi, oo indhaha faraha laga geliyo.

* N.B Alle Deeq Badnaa, dad ma mooday hebel!

   Abdi-Shotaly,


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...