"Waxa Aan Xusuustay Kicintii Dadweyne Ee Kelitalintii Siyaad Barre"

0
Thursday May 12, 2022 - 09:47:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Aan Xusuustay Kicintii Dadweyne Ee Kelitalintii Siyaad Barre"

    Qoraalkan waxa qorey Aqoonyahan Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalkan waxa qorey Aqoonyahan Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne)

"#Waa_iga_su’aale maxaa keenay ee looga jeedaa heeshan Alalag alalag alalag!!! Sacab sacab iyo mashxarad!!!."

"#Xaggeese laga keenay xaawalayda gudaha golaha fadhida ee ka dhacay mashxaradaysa? Maxaa se loo gu baahday"

#Sannadku waa 2022; waxa se la ii raray oo la i geeyey 70aadkii iyo 80aadkii  Alalag alalag alalag!!! Sacab sacab iyo mashxarad!!!"

"#Warfaafin hagaasan oo gudbisa; si madaxbannaan oo dhexdhexaad ah u faallaysa iyo aqoonyahan lafaguraana ma jiraan"

***********

Waxa aan doonay in aan si fiican u dhegeysto khudbad la yidhi waa dastuuri iyo sannadle oo Madaxweynaha Soomaaliland u jeedonayo labada gole ee Wakiillada iyo Guurtida.  Waan isku dayey oo ku dedaalay in aan dhegeysto oo dhuuxo khudbaddaas. Billow ilaa dhammaad, ka ma aan nuuxsan. Waxa se i seejiyey qaadan-waa neceb tahay. Mar labaad baan is-idhi nafta ku cadaadi, ma se noqonnin. Waan ka joogsaday. Ma aha khudbadda iyo nuxurkeeda ee waa jawiga laga aloosay.

Waxa aan xusuustay kicintii dadweyne ee kelitalintii Siyaad Barre. Intaanu Muuse Biixi meesha ba soo gaadhin baa la igu soo faruuray qabqabo,heeso iyo weriyo qalinaya oo ku hadlaya luqo dhinaca dawladda u raran.

Haddii madaxweyahii soo galay gurigii Golaha Guurtida, waxa ii raacay sacab, sawaxan iyo mashxarad haween la socota muuqa madaxweynaha iyo weedhaha khudbaddiisa.

Sannadku waa 2022; waxa se la ii raray oo la i geeyey toddobaatannadii iyo siddeetannadii qarnigii labaatanaad. Alalag alalag alalag!!! Sacab sacab iyo mashxarad!!!

Dimoqraadiyaddu waxa ay ka hirgashaa dhul caqliga xorta ah iyo cilmiga la xurmeeyo; meel madaxdu caqliga la hadasho,  dadkeeda na ku dhegeysto oo ku la dooddo. Taas baan waayey oo dhegeysigii khudbadda madaxweynaha iga dishay.

Waxaa ii raacay oo aan diiday janannada garbaha xiddigaha ku sita ee golaha soo galay. Intaasiba khudbaddii Muuse Biixi way iga shuqliyeen oo iga dileen.

Waa iga su’aale maxaa keenay ee looga jeedaa heeshan iyo weriyahan meesh ka dhex qaylinaya? Xaggeese laga keenay xaawalayda gudaha golaha fadhida ee ka dhacay mashxaradaysa? Maxaa se loo gu baahday?

Warfaafin hagaasan oo gudbisa; si madaxbannaan oo dhexdhexaad ah u faallaysa iyo aqoonyahan lafaguraana ma jiraan.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...