Maxaa Kala Qabsaday Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Iyo Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani?

0
Thursday May 12, 2022 - 09:18:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kala Qabsaday Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Iyo Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani?

    "Wadada uu qaaday shalayna halka ay tagto waa la yaqaanaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wadada uu qaaday shalayna halka ay tagto waa la yaqaanaa"

Hargaysa (HWN) Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Maxamed Cali Darood ayaa kajawaabay qoraal uu baahiyay xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xusen Cabdi.



Qoraalka uu baahiyay xoghaye Khadar ayaa uqornaa sidan "Shan Sano kahor wuxuu Muse yimi dadka oo midaysan oo dalka dastuurku sareeyo maantana dadka ayaa hotellada laga kaxaystaa oo guryo lagu xidhaa, dadka waxaas samaynayana waa la  garanayaa.


Shan Sano ka hore Wuxuu Muse madaxwayne noqday Caasimada Somaliland oo booyad iyo dameer loogu dhaamiyo waxaanu wakhtigiisii dhamaanayaa oo uu ka tagayaa Caasimadii oo wali biyo la. Muse maaha maanta ninkii faani lahaa waayo dhan kasta oo aad ka eegtaba wuu fashilmay.


Wadada uu qaaday shalayna halka ay tagto waa la yaqaanaa oo waa wax taariikhdu ina bartay” ayuu yidhi xoghaye Khadar.


Maareeye Daarood ayaa isna ugu jawaabay Xoghayahay Qoraalkan hoose:-

"Qoraalka Xoghaya Guud ee Waddani waa mid bilaa nuxur ah oo aan ka turjumayn xaqiiqda...

Bulshada Somaliland waa bulsho ku midaysan samaha, horumarka iyo wanaaga Somaliland, dhab ahaanna waa bulsho garawsan jidkii dheeraa ee dalkan loo soo maray iyo in  waxa mideeyaa 100 jeer ka badan yahay waxa kala qaybiya.


Bulshada caynkaas ah waa nasiib daro in qof siyaasi sheeganaya oo waliba ku magacaaban xil Xisbi uu mar walba la horyimaad wey kala qaybsan tahay. Bulshada oo la kala  qaybiyo guul laguma gaadho waase laga filan karaa qof hantida ugu weyn ee Somaliland Gobolka iyo Caalamkaba tustay oo ah nabadda sheegay in aanay macno ugu fadhiyin.


Mudane, haddii aanay adiga iyo kuwa  kula midka ah ee ku caarooda nabadda iyo horumarka Somaliland aanad u arkin horumarka iyo nabadda dalka faan, waa wax adiga iyo kuwa aad salfudaydka wadaagtaan ku kooban.

Arrinta Biyaha Hargeysa...


Arrinta biyaha Hargeysa, xukuumaddihii Kulmiye ee kala danbeeyay waxa ay galiyeen maal iyo maskaxba waana shaqo socota oo shacabku marag ka yahay, waxanse kugula talin lahaa warmoog baad tahaye si waxa aad sheegaysaa macno u yeesho in aad cidda ay khusayso waraysato inta aanad wax iska odhan sida kuu caadadda iyo dhaqanka ah” Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Maxamed Cali Darood.

Loading...
Loading...