"Saddexda Xisbi ee soo baxa ayaa u Tartami Doona Doorashada"

0
Thursday May 12, 2022 - 08:54:16 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saddexda Xisbi ee soo baxa ayaa u Tartami Doona Doorashada"

    Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray "Saddexda Xisbi ee soo baxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray "Saddexda Xisbi ee soo baxa




Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro.)



Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa waxa u sheegay in qaranka ay u qorshaysan tahay in Doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan, waxaana uu in taasi ku daray in Saddexda xisbi ee ka soo baxa Doorashada Ururada Siyaasada iyo Axsaabta ay u tartami doonaan Doorashada Madaxtooyadda.


Cabdinaasir Buuni oo ka jawaabaya hadallo ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu yidhi "Sidii caadada u ahayd Cabdiraxmaan Cirro waxa uu shirkaa jaraa’id u qabtay in uu dadka ka leexiyo in uu ka baxsanayo Xuska 18 May, taas oo shacabku ka warqabaan in Warbaahintu waydiisay in uu ka qaybgalayo Xuska 18 May, waxaana uu si cad u sheegay in aanu ka qayb galany. waana caadooyinkiisii soo taxnaa ee lagu yaqaanay waxaana shirkaasi jaraa’id ahayd baxsad uu ka baxsanayay Xuska 18 May, waxa u qorshaysan Qaranka Somaliland Doorashooyinka oo wakhtigooodii ku dhacaya oo ay ugu horayso Doorashadii Ururada Siyaasada iyo Axsaabta oo wakhtigii ay qabsoomi la hayd fooda inagu soo hayo.


Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray "Saddexda Xisbi ee soo baxa ayaa u tartami doona Doorashada Madaxtooyadda. taasna Madaxweynaha Somaliland wuu cadeeyay Doorashooyinka waa qabsoomayaan sida ay u kala horeeyaan ayaanay u qabsoomayaan”.


Sidoo kale Cabdinaasir Buuni ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu Madaxweyne ku yahay Dastuurka. Waxaana uu yidhi "Madaxweynaha Somaliland waxa uu Madaxweyne ku yahay Dastuurka aqoonsi shakhsiya ee Cabdiraxmaan Cirro Madaxweyneweyne kuma aha, waxaana uu Madaxweyne ku yahay Dastuurkii siiyay in uu 12 sanno hogaamiyo Golaha Wakiilada. nin suuqa jooga iyo Xisbi kama taliyo waxa ay u taalaa Hay’adaha Dastuuriga, oo marka waajibaadkoodu yimaado ka xil gudanaya dastuurka ayaana lagu kala soconayaa”.

Loading...
Loading...