Madaxweyne Biixi oo dhaliilay dadka reer Somaliland ee u tartamaya doorashooyinka Soomaaliya

0
Wednesday May 11, 2022 - 17:30:44 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi oo dhaliilay dadka reer Somaliland ee u tartamaya doorashooyinka Soomaaliya

    Madaxweyne Biixi oo dhaliilay dadka reer Somaliland ee u tartamaya doorashooyinka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi oo dhaliilay dadka reer Somaliland ee u tartamaya doorashooyinka Soomaaliya


Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlayay munaasibad lagu qabtay Jaamacada Hargaysa, ayaa doqoniimo ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ay u ordaan doorashooyinka Soomaaliya.


"Waxay nacasnimo haysataa dadka Somaliland u dhashay ee halkan magac ku lahaa, ee qaarkood jaamacadan wax ka aas aaseen, ee Aabayaashood magac iyo taariikh halkan ku lahaayeen, ee intay tageen Xamar yidhi waxaanu matalaynaa Somaliland, oo Baarlamaanka ayaanu doonayna oo waanu codaynayna" ayuu yidhi Biixi.


Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dadka waxgaradka ah ee reer Muqdisho ay ogsoonyihiin, in dadka Somaliland kasoo jeeda ee doorashooyinkaa ka qayb galaya anay cidna matalin.

"Xamar intaaso caalim ayaa joogta oo diinta ayaa la akhriyaya oo xadiiska ayaa la akhriyayaa, intaasa wanaaga la is farayaa oo aqoon la leeyahay, hadana ka dhaariyay, ka dooranaya iyo ka uu codka siinayaaba waxay ogyihiin, in ninka Somaliland ka taga ee baarlamaanka galayaa aanu cidna matalin" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ee ka qayb galaya, doorashooyinka Soomaaliya iyo kuwa dooranaya anay waxba is dhaamin, isla markaana dhibaatada arrintaa ka dhalata aan Somaliland loo raaci karin.

"Kaa ninka doortay ee damiirkiisu kaa siiyay iyo ninka ogolaaday ee doonaya in uu masiir kiisa ka taliyaa, horta waa dameer iyo labadiisii daan oo waxba isma dhaamaan, dhibaatada kasoo gaadhana anaga nooma eersadan, oo Somaliland ayaa wax na yeeshay ma yidhaahdaan" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa waali ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ka qayb galaan doorashooyinka Soomaaliya "Kuwa Somaliland ee ay kamidyihiin kuwii jaamacadan xaadh xaadhay, ee aas aaskeeda lahaa, ee aabahood tacliinta ku suntanyahay, ee intuu kaligii Xamar tagay leh madaxweyne ayaa la ii dooranaya anu miyir qab uma arko".

Loading...
Loading...