Goorma Ayaa Gudi Baadhiseed Loo Saari Karaa Gudida Doorashooyinka?

0
Wednesday May 11, 2022 - 09:53:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goorma Ayaa Gudi Baadhiseed Loo Saari Karaa Gudida Doorashooyinka?

    "Cinwaanka Qodobka 15aad waa: Xil ka Qaadista Komishanka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cinwaanka Qodobka 15aad waa: Xil ka Qaadista Komishanka"

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ka hadlay Goorta Madaxwaynuhu uu gudi baadhiseed usaari karo Gudida doorashooyinka Qaranka.



Garyaqaan Guuleed ayaa qoraal uu baahiyay uqoray sidan:-


"Sida ku cad Qodobka 15aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka, waxa guddi baadhiseed madaxbanaan loo saari karaa marka la doonayo in xilka laga qaado. Waa habka keliya ee xubin ama xubno ka tirsan Gudida xilka looga qaadi karo.

 

Cinwaanka Qodobka 15aad waa: Xil ka Qaadista Komishanka.

Waxa uu qodobku sheegayaa:

 

1. Xubnaha Komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa:

a) Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay.

b) Marka uu xilka gudan Kari waayo karti darro ama caafimaad darro awgeed.

c) Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatoyo, musuq-maasuq, eex IWM. (Qodobka 15(1)

 

Marka arimaha kor ku xusan midkood ama in kabadan ay yimaadaan,  waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi baadhiseed madaxbanaan oo ka soo warbixisa si uu go'aan ugu qaato (Qodobka 15(2).


Madaxwaynuhu marka uu xilka ka qaado xubin ama xubno ka tirsan Gudida waxa uu u gudbinayaa Golaha Wakiiladda oo awood u leh inuu  ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority) (Qodobka 15(3)."

Loading...
Loading...