Xildhibaan Ku Cadeeye Oo Ka Hadlay Muranada Siyaasiga ah ee Taagan

0
Wednesday May 11, 2022 - 09:37:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ku Cadeeye Oo Ka Hadlay Muranada Siyaasiga ah ee Taagan

    "Wada-tashiga iyo talo-wadaagu waa Mab'da Islaami ah iyo mid dastuuri ahba."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wada-tashiga iyo talo-wadaagu waa Mab'da Islaami ah iyo mid dastuuri ahba."

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucaddeeye oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa qoraal uu baahiyay kaga hadlay Muranka Siyaasadeed ee haatan ka taagan Somaliland.



Xildhibaanka ayaana sheegay in uu mihiih yahay in wada tashi lagaga baxo marxalada hada uu dalku marayo, qoraalka xildhibaanku uu baahiyay ayaa uqornaa sidan:-

 

TILMAAN IYO WAX-SHEEG

                            ********

Waa tilmaan iyo toosin

Talo weeyi nin wayne

Toobinkii laf ha saarin

Hana tuujin Dadkaaga

Tilmaan fiicana doono

       ********

     Ugu horayn wada-tashiga iyo talo-wadaagu waa hab dhaqan iyo hannaan soo jireen ah oo ummadda Somaliland ku maarayso duruufaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka ugubka ah ee soo wajaha geedi socodka nidaamka siyaasadeed, doorasho iyo guud ahaanba Qaran JSL.


      Wada-tashiga iyo talo-wadaagu waa Mab’da Islaami ah iyo mid dastuuri ahba.

1- Waa Mab’da Islaami ah oo Nebigeena suubban CSW waxa hab dhaqankiisu ahaa talada inuu la wadaaggo asxaabta. Waxaana lagu amray talawa-daagga hadalka Ilaahay sareeye ku yidhi: (وَشَاوِرْهُمْ فِي الأَمْرِ) " Nebi maxamedaw kala tasho asxaabta arimaha " suratu al-cimraan, aayada 159).


Marlabaad waa tilmaamaha tolmoon ee Rabbi ku seemaaley Mu'miniinta waxaanu yidhi (وَأَمْرُهُمْ شُورَى بَيْنَهُمْ)  "Arinkoodu waa wada-tashi dhexdooda ah ” (Suuraatu Shuuraa, 38).


2- Dhanka kale waa Mab'da Dastuuri ah sida ku cad qodobka 9aad ee dastuurka JSL, Faqraddiisa 1aad oo u dhigan: " Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag ... iyo hannaanka xisbiyada badan".


       Guntii iyo gabagadii waxaa hubaal ah in dhacdo ugub ahi soo wajahday geedi socodkii nidaamka siyaasadeed iyo doorasho ee JSL taas oo ah in ay isku surmeen madaxana isla galeen doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Xisbiyada / Ururada siyaasadda ee Somaliland oo mudda-xileedkoodu ku egyahay 13 iyo 26/12/2022, taas mecneedu waxa weeyi labada mudda-xileed waxa u dhexeeya 13 maalmood oo kali ah.


     Sidaa awgeed looma baahna maanta midi midi ku taag, ee waxa loo bahanyahay in lagaga gudbo dhacdadan ugubka ah bisayl siyaasadeed, midnimo, wada-tashi iyo tala-wadaag dhexmara daneeyayaasha doorashooyinkan isku surmay oo kala ah:


1- Xukuumadda (Madaxweynaha).

2- Axsaabta Qaranka ee hadda jirta.

3- Ururada isu diwaangaliyey ka qayb galka doorashada Xisbiyada / Ururada siyaasadda.

     Iyada oo laga duulayo Xeerarka dalka iyo Dastuurka JSL lana dhawrayo qaraimada JSL oo cid kasta damaceeda ka wayn.


FG:

26/12/2022 maaha maalinta doorashada Xisbiyada / Ururadda ee waa maalinta seddexda Xisbi ee doorashada ku guuleysta la guddoon siinayo Shahaaddada Xisbinimo ee tobanka Sano ee soo socda, seddexdii horena uu Liisankoodu dhacayo, lkn maalinka doorashada Xisbiyada / Ururad siyaasadda waxa asteynaya Guddida doorashooyinka Qaran JSL .

Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucaddeeye

Loading...
Loading...