Maxaa Kaniinka Lagu Sikhraamo Loo Siiyaa Dameeraha Soomaaliya?

0
Wednesday May 11, 2022 - 09:25:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kaniinka Lagu Sikhraamo Loo Siiyaa Dameeraha Soomaaliya?

    "Dameerkii inta wax tiro badan la siiyay carrabka xataa uu soo dhacay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dameerkii inta wax tiro badan la siiyay carrabka xataa uu soo dhacay,"

Bariga magaalada Kismaayo xaafad ku taalla oo ay degan yihiin dad danyar ah, waxaan kula kulmay Nindhallinyaro ah, kuna shaqaysta dameer.



Cabdullaahi (Ma ahan magaciisa rasmiga ah) wuxuu isku diyaarinayay shaqadiisa maalin laha ah, isagoo daroogeynayay dameerka, si uu saacado badan u shaqeeyo.


Subax walba inta uusan shaqada aadin, wuxuu siiyaa dameerka xanuun baabi'iye awood badan oo loo yaqaanno Tramadol. Dhawr xabo oo kaniinkaa ah ayuu ugu daray galleey uu siinayay, ka dibna dameerka ayaa billaabay in uu isku raamsado raashinka iyo daroogada.


Sababta uu dameerka u siiyo kaniinka, waa in uu waqti badan ku shaqaysto, culays badan ku qaado, waddooyinka bacaadka ahna si fudud ku maro.

Wuxuu noo sheegay in wax soosaarku laba jibaarmo marka uu dameerka siiyo Tramadol ka.


Cabdullaahi oo kortaagan ceel uu biyaha ka dhaamiyo ayaa yiri, "Markii hore ee aanan siin jirin, laba biyaajo kama badin jirin, alxamdulillaah, afar biyaajo ayaan ku qaataa, sidii hore hadda ayaa ii dhaanta. Marka, Tramadol siiyoow marka aan galay, hadduu ii socdaaba"


Ibraahim waa aabo xaas iyo sideed caruur ah quudiya, wuxuuna ku dadaalaa sidii uu nolol ugu heli lahaa qoyskiisa. Laakiin ahmiyad ma siinayn caafimaadka dameerka. Intii aan la joognay, mararka qaar waxaan arkaynay dameerka oo ilmeynaya; ilmada ka imaanaysa indhaha dameerka ayaa dhulka ku tifqeysay.


Kaniinka oo gaaray deegaanada miyiga ah

Suuqa dameeraha ee magaalada Kismaayo, waxaa subax walba loo iibkeena ku dhawaad 30 dameer. Inta badan dameerahaas waxaa laga keenaa miyiga magaalada Kismaayo.


Siciid Ibraahim oo ah dullaal muddo dheer ka shaqaynayay suuqa ayaa wuxuu noo sheegay in waxyaabihii ugu layaabka badnaa ee uu la kulmay ay ka mid tahay, dameero daroogeysan oo suuqa loogu keenay.


Maadaama ay biyoolayaashu door bidaan dameeraha la qabsaday daroogada, Siciid way u dhib yartahay in uu sooco dameeraha la siiyo Tramadol ka .


"Dameerkii kaniin la soo siiyay waa la garan karaa," ayuu yiri Siciid. "Maba istaagaayo, adi qof Tramadol cunay ma arkin miyaa? Maba istaagaayo. Dameerka intuu ka dhexbaxaa! Intuu ka dhexbaxaa! Waa neef maskaxda laga galay."


Dameeruhu way u dhintaan Tramadol-ka

Dhaqaatiirtu waxay sheegeen in xanuun baabi'iyahaan aan loogu talogalin dameeraha, dhaawac culusna u geysto xubnaha jirkooda, muddo ka dibna ay ku adkaato in uu shaqeeyo.


"Waxaa la keenaa kiisas badan oo ay ka mid tahay dameero Tramadol la siiyay" ayuu yiri Wacays Maxamed oo ah dhakhtar xoolaha daweeya.


"Dameerkii inta wax tiro badan la siiyay carrabka xataa uu soo dhacay, oo ay noqotay in aan muddo la tacaalno. Dadkii ilaa hadda dawlad kontorooleysa malahan, Quality Control ayaan jirin. Sababta waxaa waaye, qofkaan waxa uu dameerkiisa siinaayo cid og malahan"


Dadka shacabka ah ee macmiilka u ah biyoolayaasha inta badan ma oga in la daroogeeyo dameeraha. Dhawr qof oo aan waydiinay sida ay u arkaan dameeraha daroogeysan ee biyaha loogu keeno, waxay noo sheegeen in aysan wanaagsaneyn in bahaahinka lagu xadgudbo.


Xadgudubyada noocan ah waxaa sababay, awoodda dawladeed ee Soomaaliya oo aan dhaqan-gelin karin sharciyada iibka dawooyinka, farmashiyaasha qaarkood oo iibiniya dawooyinka warqad la'aan, iyo bulshada oo aan ku baraarugsanayn daryeelka xayawaanka.


Si loo joojiyo, waxaa loo baahan yahay dadaallo wax ku ool ah oo lagu joojinayo in lagu xadgudbo xoolaha.

 

BBC

 

Loading...
Loading...