Inqilaabidda Guddoomiyaha Komishinku Doorashooyinku Maxay Daaran Tahay?

0
Monday May 09, 2022 - 08:19:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inqilaabidda Guddoomiyaha Komishinku Doorashooyinku Maxay Daaran Tahay?

    Qorre: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorre: Cabdi Muxumed

Xilli kasta oo aad furto mareegaha internetka ee wararka ka soo xanbaara Somaliland, waxaa ka soo baxa yaab iyo yaabka yaabkii,  shalay oo ay ahayd 27kii bisha April ayaan goor danbe oo afurkii wax yar uun ka hor furay mid mareegaha ka mida iyadoo aanan wax badan oo dareen cusub ah ka qabin dalkii hooyo oo aan kui ogaa uun iyadoo la isku dhaarsan yahay oo car iyo wirta lays hayo iyo Ramadan ha inaga dhamaato ayaa iigu war danbaysay Faysal Cali Waraabe oo ku hanjabaya!, waxaana malahayga aniga iyo dad  badan ka dhex guuxayay tolow maxaa xiggi Ramadan dabadeed? saa bahalkaba markaan furay iyo layaabkii Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) balse inta aanan u guda galin ta Muuse Biixi Cabdi (kala kaan) aan wax yar ka yidhaahdo maalin ka hor shalay oo ahayd Arbacadii 26ka bisha ayaan ka halacsaday warbaahinta Somaliland ka soo waranta guddoomiye riyo raac oo dhaarinaya shaqaalaha komishinka.

 

Waa halkan halka laga raacay guddoomiyha oo ay ka qaldantay fahamka iyo iska horimaadka Muuse Biixi Cabdi (kala kaan) guddoomiyuhu, waxa laga yaabaa inaanu aqoon badan u lahayn kala duwanaanshiiyaha qofeed ee saacad walba iyo maalin walba, dadka aadka ula kulmay waxay kuu sheegayaan inuu yahay qof jirjiroole ah oo aan lahayn wacad,axdi,balan iyo meel loogu soo hagaago, mar walbana aad ugu tagayso qaab iyo weji gooniya oo uu kugula dhaqmayo si kale haddii loo yidhaa waa shakhsi aan axdi ka go'in, taas inaga oo ka duulayna waxa uu riyo raac u arkay in uu shaqadiisa u qabsado sida ay tahay iyo wakhtigga oo la waafajiyo in lagu dardar galiyo hawsha doorashadda ee ay ahayd inay galaan saddexdda xisbi qaran ee hadda jira, taas oo la filayo bisha December 13keedda 2022, laakiin guddoomiye Riyoraac burkaba bahal kama filin, oo show war ayaa iskugu laaban isaga iyo ninkan Muuse Biixi Cabdi (Kala kaan) Allow oo sahal umuuraha.

 

Il ayaa u dabnyad Muuse Biixi Cabdi (Kala kaan) kaasi oo qaybo ka mida muujiyay tusayna inaanu diyaar u ahayn doorasho dhacda 13 December oo dhex marta UCID iyo Waddani iyo kulmiye oo uu la meeraysanayo kola uu ugu yeedhayo Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) kola giirahan shalay ka mid noqday wakiiladda.Runtuse tahay inaanu la doonayn Maxamed Kaahin Axmed (haaheyle) kaasi oo uu si ahaan u doonayo inuu dhaafiyo kursigga cidduu doonaba ha la rabee midbaa xaqiiiqa ah taasi oo ah inaanu la rabin Maxamed Kaahin Axmed (Haahayle), kaasi oo ay dadku u yaqaanaan inuu yahay gacantiisa midig, waxaase fulaynimo aan xad lahayni ka muuqataa waa ina Kaahin  laftiisee oo inta uu ku ciyaarsiinayo kolba beeshiinu ha ku soo heshiiso iyo isku daysta siddii carruurtii loo xuli jiray ka kubbadda ciyaaraya iyo ka fadhiyay, runta biyo kama dhibcaanka ahina waxa ay ina tusaysaa inuu saddex bilood guddahood ku wareejin lahaa sdiddii uu Siilaanyo isaga ugu wareejiyay waa hadduu la rabo Maxamed Kaahin Axmed (Haahayle).

 

Haddaba isma diidooyinka Muuse Biixi Cabdi (Kala kaan) ayaa iska badane aan ku soo noqdo sheekaddii guddoomiye Riyo raac iyo halka ay ku abaaran tahee guddoomiye waxa uu doonayaa ninkan Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) in uu qabasado doorasho dhex marta xisbigga Kulmiye, ee uu jeebka ku sito iyo laba xisbi caantayn oo ka soo baxa kuwan uu inoo sheegay in marka la furo uu ka soo dhex qabsado ka dibna la tartamo, sidaana uu ku mustafeeyo ilayn waa ay cusub yihiine oo yidhaa waan idinka helay sidaana ku noqdo mid boqran oo inta uu doono haysta xukunka Somaliland, labada xisbi qarana ee UCID iyo Waddani oo uu reer ahaan isku raacinayana meesha ka saaro iyadoo nacayb qabaliyina u weheliyo, taasi oo aanu qarsanba oo xataa uu gaaladda ina soo booqata ku yidhaahdo laba nin oo isku reer ah ayaa ii heshiiyay, waxaana maskaxdiisa ka guuxaya qudhunkaa iyo wax la mida, markaa guddoomiye waa ay kaa qaldan tay oo siddii aad moodaysay may ahayn adiguna waxaad u haysatay in saddex xisbi ee UCID,Waddani iyo kulmihiisu tartamayaan oo siddii saxa ahayd ayaad aaminsanayd laakiin si kale ayay wax u jiraan oo waa sidaa aan kor ku soo faahfaahiyay ee u ogow inqilaabka ku habsaday, gudidddii komishinka ee aad guddoomiyaha ka ahaydna waxa ku habsaday, isdiiddoyinkaa aad adiguna dhan ka taagnayd ee aad moodaysay ina dorasho saddexdda xisbi ee UCID,Waddani iyo Kulmiyahan tuurta lagu sitaa galayaan. Laakiin waxaa lagaa yidhi laba gacan ku rimis ah iyo kiisa ayaa tartami doona adigana sidaas ayaa lagu talo galay in inqilaab lagugu rido oo la yidhaa waxaa la doortay guddoomiye gacan ku rimis ah, halkaas ayay talo taagan tahay ee bal aan eegno waxa ka danbeeya! iyo halka uu Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) halkaa uga sii dhaqaaqo iyo sida xaal noqdo, adna waan filayaa inaad hadda wax ka fahamtay farta Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) oo ay wax kuu baxeen boowe.

 

Saleebaan Cali Koore oo ah siidhi ay xukuumadda Muuse afuufto iskana soo horaysiiso marka ay sax iyo khalad labadaba ku eegayso bulshadda oo noqday "gal dad liqa ul baa lagu garaacaaye" oo uu Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) ku hubinyo bulshadda reer Somaliland bal halka iyo sida ay u aragto amaradda waalidda ah ee muranku hadheeyay ee ka soo fulaya maskaxddan aan caafimaadka qabin ee Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) oo kolba gees kaga imanaysa bulshadda reer Somaliland.

 

Maalinkay bishu ahayd 28 bisha April, ayaan ku war helay waraaq lagu yidhi Saleebaan Cali Koore qor oo uu Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) iska dhigayo mid aan waxba kala socon muranka uu sal iyo baar abaabulkiisa iyo haggidiisaba ka danbeeyay, isagu taasi oo nuxurka waraaqddu ay xanbaarsanayd ahayd in la hakiyo waa xeeshhii caantaynka ahayd ee jiirka ee inta uu dadka qaniino haddana afuufi jiray si qofku uu u seexdo oo uu iskaga sii wato hurdaddiisii, oo taasi oo wax badan kaa baraysa caqliga gaaban ee Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan). Haddaba aan soo af meero bacdamaa la gaadhay gabagabaddii maqaalka, in aanan kaa siisan waraaqdda caantaynka ah ee aad tidhi soo malmaluuq saleebaan cali koor, adiguna aad tahay ka muranka dhaliyay ee caleemo saaray guddoomiye gacan ku rimis ah oo aan soconayn sababaha aad murankaa shanta sanno ah dalka u galisayna waa labo sababood adiga oo u haysta muranka iyo wax iska celinta iyo wax iska caabinta inay ragganimo tahay oo ay kuugu badinayso iyo inaad siyaasadda u fahantay inay tahay mid muranka ku ilmo dhasha oo kuugu badisa wayse kuugu yaraynaysaa inta aan hubo ee bal aan eegno muramaddan faraha badan ee dhinac kasta ah ee aad dalkii galisay halka ay geeddiggaas furaan iyo waxa aad ka dheefto waa halkii hadraawiye bal eegno "halka dayr wakhtigu dhiggo"

 

Qorre: Cabdi Muxumed

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...