'' Iran Vs J-Carabta '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Saturday June 01, 2019 - 11:00:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Iran Vs J-Carabta '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Sanaddii 2006 ayaa Dawladda Israel waxay si xun u duqaysay Magaaladda caasimadda ah ee Bayruut ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanaddii 2006 ayaa Dawladda Israel waxay si xun u duqaysay Magaaladda caasimadda ah ee Bayruut , duqayntaas oo in muddo ah socotayna waxay ku burburaysay qaybo badan oo ka mida magaalada caasimada ah ee Bayruud .


Inkastoo burburkaasi magaaladda wada saameeyayna ,hadana meelaha ugu xun ee uu saameeyay waxaa ka mid ahaa , wadooyinkii , biriishyadii , laydhkii , biyihii iyo goobihii danta guud in badan oo ka midda .



Iyadoo duqaynti weli socoto , ayaa ururka jaamacadda Carabtu wuxuu ku dhawaaqay in ay shir madaxoodkoodii caadiga ahaa ay ku qabsan doonaan Magaaladda Bayruut .


Israel iyadoo warkaa ka jawaabaysana waxay si jees jeesa u tidhi in aan shirkaasi ka joojinayn duqayntii ay waday , halkeediina ay kasii wadanayso .


Iyadoo arrintu halkaa marayso , ayaa waxa hadlay Iran , gaar ahaan wasiirkii arrimaha debeda ee waagaas , Manouchehr Mottaki , waxaanu hadal kulul oo digniin iyo caga juglayna hawada u mariyey Israel , hadalkiisina waxaa ka mid ahaa

'' Hadii Israel ay ku kacdo talabaadaas , waxaanu ka tirtiri doonaa khariidada caalamka '' .


Isla markii hadalkaasi Iran kasoo baxay , waxaa si degdega uga jawaabtay dawladda Maraykanka , waxaanay sheegtay in hadiii Iran ku dhaqaaqdo talaaabadaas jar iska xoornimada ah inay kala kulmi doonto cawaaqib xumo wayn ,Intii waxaasi socdeen , jaamacadda carabtu may hadlin , waanay iska aamusnayd .


Sidaas ayaanu shirki ku bilaabmay , ka dibna wamadda Jaamacadda Carabta oo Sucuudiggu ugu horeeyaa waxay ku dhawaaqeen in ay bixinayaan Balaayiin Doolar oo dib loogu dhiso Lubnaan , hassa yeeshee markii lacago badan laggu dhawaaqay ayaa waxaa madashii ka kacay Raysal wasaarihii Lubnaan ee waagaas Fouad Siniora, ka dibna wuxuu si qiiro leh isagoo ooyaya uga shekeeyey burburka gaadhay , waxaanu hadalkiisii kusoo gaba gabeeyey ''Uma baahnin lacag badan oo noogu deeqdaan , waayo lacagtaas hadii aynu dib ugu dhisno berri ayay hadana naga duminaysaa ,imikadan aan idin la hadlayna 40 qof ayay ku dishay duqay , waxaanu idiinka baahanahay hiil iyo garab nagu biirisaan ee lacag uma baahin waxna noo tari mayso ''.


Waxaas oo dhan waxaa ka daran , Markii shirkaasi furmay ,Israel waxay ku sheegtay in uu yahay mid aan wax macne ah samaynaynin , waxa kasoo baxayana la iska sii garanayo .


Sidaas ayuun baanay waayadan iska ahaayeen shirarka Carabtu , inta carab hogaankeedu is badalayana way ahaan doonaan , waayo Carab waxaa heerkaas gaadhsiiyey , Iran iyo meelo soke ku mashquulinayaa waa hogaan xumada haysata .;


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...