AQOONTA AAN LA DHEEFSAN
Waxa aad iskuul dhiganaysay 12 sano, haddane waxa aad dhamaysay
Waxbarashadaadii iskuulka waxa ay ahayd mid cuuryaamin ku ah in aad fikirtid oo aad maskaxdaada ka shaqaysiisid. Waxa uu islkuulkaagii ahaa, goob lagugu baro maadooyin aadan xiisayn, kuwa aan waxba kuu soo kordhinayn oo aad maanta ba waxba ka xasuusan, sidoo kalena waxa laguugu abaabiyay in maadooyinkaasi aadan shaqada ku lahayn aad xifdiso si aad imtixaanka dhibco sare u keentid. Waxa aad iskuul dhiganaysay muddo 12 sano ah ama in ku dhaw, waxa uu yoolkaaga ugu wayni ahaa in aad ugu danbayn heshid "Shahaadada Dugsiga Sare" dadaalkaagana waxa aad ku bixin jirtay in buundo sare laguugu qoro shahaaddada.
12 sano ka dib, waxa aad iskuulka dhamaysay adiga oo aan lahayn wax-qibrad iyo xirfad(No Skills and No Experience), waayo; waxa aad sanadahaasi kaaga lumeen maadooyin aadan mustaqbalka noloshaada aan waxba ku soo biirin doonin, adiguna aadan xiiso gaar ah u hayn, kaliya si aad ugu baxsato ayaad u xifdin jirtay maadooyinkaas aadan jeclayn, si ugu yaraan aad imtixaanka ugu baasto ama dhibca sare uga heshid.
Haddii ardaygu uu ku dhaco hal ama labo maaddo oo ka mid ah maadooyinka tirada badnaa ee iskuulka sidaasina aad ku haro, waa lagu colaadin oo lagu ceebaynayaa, waxa uuna mudanayaa in hoos loo fiiriyo oo la tusiyo liidnaan ayada oo aan xaaladdiisa aan si gaar ah loo qiimaynayn.
Waxa ay canaan kaga imaanaysaa iskuulka iyo waalidka ba, cid u dhimrinaysana ma jirta, sababtoo ah waxa uu natiijo wanaagsan ka keeni waayay imtixaanka, kaas uu ku heli lahaa"Shahaadada Dugsiga Sare" Halkaasina waxaa ka dhasho in qaar ardayda ka mid ahi ay naceeb qaadaan, is-ciilaan, waxbarashadii ay rejada ka lahaayeen ka sii fogaadaan, ka dib na nolol aysan waligood jeclaysan uu waqtiga ku qasbo ay la daris noqdaan, sidaasina ay rejo beel hayaankii waxbarasho ka haray u noqdaan.
Waxa aad iskuul dhiganaysay 12 sano, haddane waxa aad dhamaysay adiga oo aan fahan ka haysan ganacsiga, adiga oo aan fikrad ka haysan biraha iyo beeraha, adiga oo aan fikrad ka haysan nolosha, adiga oo aan fikrad ka haysan teknoolajiyadda casriga ah. Midda ugu daran waa in aad 12 sano ka dib aad iskuulkaaga soo dhamaysay, adiga oo aan wax xirfad gaar ah lahayn oo maran.
Taas baddelkeeda, waxa aad soo baratay oo aad xifdisan tahay aqoon aan noloshaada faa'ido gaar ah aan u lahayn. Waxa aad xifdisan tahay; Tirada ilkahaaga, tirada ilkaha ariga, midibbada, wabiga Shabeelle iyo Jubba midka dheer? Waxa aad weli xifdisan tahay oo lagu soo baray; Waa maxay Biology? Waa maxay Chemistry? UN ka iyo Ururka Jaamacadda Carabta goormee la asaasay? Sheeg madaxwaynahii ugu horreeyay ee Maraykanka? Waa kuma Mustafa Ataaturki? Sheeg midabka calanka Turkiga? Maxaa laga soo gaabiyay AU? Waa ku ma Hitler? Sheeg buurta Afrika uga dheer? Waa meeqo 4×2 iyo 5×5? Sheeg dhirirka xeebta Soomaaliya? Sheeg natiijada falgalka H2+O2=?
Ogaalkaaga in lagu kordhiyay wax aadan hore u ogayn ma dafiraayo, balse is waydii qofka sidaasi wax ku bartay wax-soo-saarkiisu waa sidee?! Waa sida kunteenar ku raran aqoon aan faa'ido gaar iyo mid guud ba aan u lahayn(Container of Useless Knowledge). Qofka sidaasi wax ku bartay, waxa uu xanbaarsan yahay aqoon uusan adeegsanayn, aqoon aan noloshiisa iyo hab-fikirkiisa wax is-baddel ah aan ku lahayn, waa aqoon oo xafiday uun oo uusan wax intaa dhaafsiisan uu qofka garanayn.
Qofka sidaasi wax ku bartay, waxa ay xannibaad ka saaran tahay in uu FIKIRO, hal'abuur gaar ahna uu yeesho, waayo; waxaa sanado badan maskaxdiisa lagu abaabiyay, kaliya in ay wax xifdiso, kadibna qaar ay maskaxdu kaydiso halka qaarna ay sii dayso. Waxbarashadu sidaasi ma ahan, waa in la dheefsan karo oo qofka ay gaarsiiso heer uu fikiro, waxa uu bartayna uu nolosha ku la tacaali karo, waxa la baray in ka geddisan -haba yaraadaane- uu la soo shirtagi karo. Waxbarashadu waa faa'ido darro, haddii aadan garanyn sida aad noloshaada ugu adeegsan lahayd.
Waxaa jirta dood adag uu Abwaan Hadraawi furay, welise aan cidna ay halkaa ka qaadinx Hadraawi waxa uu leeyahay:"Iskuuladdu waa dayeyn, Dammiinimadday dhigaan" iskuullada nidaamka 12 sano leh waa cuuryaamin maskaxda ardayga oo u ma ogalaadaan in uu si madax-bannaan u fikiro, ee waxa qasab ku ah in uu maadooyinka tirada badan uu hadba mid uu xifdiyo, si uu imtixaanaadka darajo wanaagsan u keeno, shahaado sare na loo siiyo.
Waa intaa. Iskuullada waxa ugu wayn ee lagu barto waa qoraalka iyo akhriska, haddane ardaydeenna badigood waxa ay iskuulladu dhameeyaan, ayaga oo aan lahayn caado akhris iyo mid qoraal. Maxaynu barannay marka! Sida uu abwaan Hadraawi xusay miyaysan dammiinimmo dhigayn iskuulladeenna!
Intaa ka soo gudub, ardayga Soomaaliyeed ee haysto"Shahaadada Dugsiga Sare" ma is waydiisay waxa ay u goyso shahaadadaasi? Kaliya waxa ay u goysaa in uu jaamacad aan iskuulka wax badani dhaamin, oo aan lagu carbinayn sida uu u fikiri lahaa uu ku tagi karo. Muddo 12 sano oo daal ah ka dib "Shahaadada Dugsiga Sare" intaa ka badan inta ay u goyso waa ay yaryihiin, oo ma badno. Maxaanu dheefnay marka, haddii shaqaallonimmo xitaa ayaysan shahaadada Dugsiga Sare, arday walba aysan u goynayn! Waa shaqaallanimo bis!
Nidaamka waxabarashada iskuulka ee 12 sano ah, Waxa lagu bartaa, sida lacagta loo xisaabiyo, lagu ma barto sida lacagta loo samaysto. Waxaa iskuulladda nidaamkaasi leh lagu bartaa oo ay kuu diyaarinayaan, sida shaqaale lagu noqdo, shaqana loo codsado, ku ma barayaan sida shaqo loo abuurto oo la is kugu filnaado. Waxa iskuulka aad ku baratay noocyada dhirta, balse lagu ma barin dheeftood oo maanta ma dheefsan kartid. Waxaa xasuusan tahay dhirirka Xeebta Soomaaliya, balse lagu ma barin sida aad u dheefsan lahayd. Waxa ay ku bareen sida aad wax u xasuusan lahayd, waxna u xifdin lahayd, balse ku ma aysan barin sida aad u FIKIRI lahayd.
Inkasto oo nolosha waxbarashada iskuulka ee 12 sano ay sidaasi tahay, haddane iskuullada Soomaaliya, ugu yaraan ku ma barayaana sida shaqaalle loo noqdo, waana sababta qofka Dugsiga Sare soo dhammeeyay uusan ugu hamin in uu shaqeeyo, ee ay ardaydeenna badigood ay jaamacadaha isaga xaadiriyaan. Garo, waa halka ay salka ku hayso shaqo la'aanta dhallinyarada. Waa dhib in 12 sano oo aad wax baranaysay aysan koob shaah ah kuu goyn karin, ma inkiraayo in yar oo ardayda ka mid ah in ay ku bariiseeyaan oo anniga ba dugsigayga sare ka dib shahaadadayda waxa ay ii dhashay in aan macallin noqdo, balse wax fikir ah oo in aan ahaan weel wax lagu dhaamiyay, faro ku ma aan hayn.
Dunida horumartay ee ardayda ka yar da'da 20 ka ee leh XIRFAD ay noloshooda ku maareeyaan, sida Jabaan iyo Shiinaha, iyo nolosheenna is-barbardhig ku ma samaynaayo oo duruufteenna gaarka ah ka ma tallaabaayo, haddane nidaamka waxbarashada iskuul ee dalkeenna waxa uu u baahan yahay is-baddel iyo in ugu yaraan la helo iskuullo uu qofka ku baran karo waxa uu yaraantiisa xiisaha u haayo, iskuullo gaar ah oo xirfadda lagu barto, iskuullo ardayga lagu tababaraayo sida uu u fikiri lahaa ee uu noloshiisa u maaraysan lahaa, waxna dalkiida iyo dadkiisa ugu qaban lahaa. Farqiga annaga iyo dunida ku horumartay xirfadda, waa in caruurtooda inta ay yaryihiin ay fursad u helaan in lagu barbaariyo sida ay u fikiri lahaayeen, maskaxdooda loo carin lahaa oo ay u noqdaan kuwa xor ah oo aan shaqaallanimo nolosha ku dhamaysan, ee ayagu is ku filnaada oo wax uun la yimaado.
Inkastoo dunida uu nidaamka iskuulka ee 12 sano uu waqti hore dunida ku faafay, oo sooyaalkiisa in si gaar ah looga hadlo ay tahay, haddane kaliya waxa uu u jeedkayga ahaa in aan dib kuu dareensiiyo safarkii noloshii iskuulka ee dheef la'aanta ku soo idlaaday, in aan ku xasuusiyo in nidaamka waxbarasho ee noocaasi uu cuuryaamin yahay iyo in aad i la dareentid dhibka uu gaar ahaan uu bulshadeenna ku haayo. In is-baddel lagu sameeyo nidaamkaasi ma fududo, adiguna hadda awood gaar ah oo aad ku baddeli kartid ma haysid oo boqollaal ayaa u heellan in uu sii jiro nidaamkaasi waxbarasho.
Sidaas darteed, adigu waxa aad waajibkaaga ku gudan kartaa in aad ehelkaaga, asxaabtaada, waalidiinta kale iyo qof walba oo aad wax u sheegi kartid, in aad fahansiisid dhibka nidaamka iskuulka uu ku leeyahay caruurta iyo sida uu fikirkooda u cuuryaamiyo, xayndaabla fikirkoodana uu u xaddido. Waxaa kale oo aad waajibkaaga ku gudan kartaa, in is la nidaamkii aad adigu wax dheef ka hayn aad ka badbaadiso caruurtaada, is ku na daydid si ka duwan habkaasi in aad wax u bartid oo aad barbaarin wanaagsan la garab istaagtid, haddii aadan adigu shalay garab haysan maanta ayagu yaysan garab kaa wayn. Aqoonta dhabta ah waa tan la dheefsado, noloshana loo adeegsado.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...