Golaha Wakiiladu Awood Ma Uleeyihiin Inay Su'aalo Waydiiyaan Madaxwaynaha?

0
Sunday May 08, 2022 - 09:51:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiiladu Awood Ma Uleeyihiin Inay Su'aalo Waydiiyaan Madaxwaynaha?

    "madaxweynuhu isagaa u yeedhay labada gole ee iyagu umay yeedhin."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"madaxweynuhu isagaa u yeedhay labada gole ee iyagu umay yeedhin."

Hargaysa (HWN) Gudoomiye Cabdikariin Xinif ayaa sheegay in xildhibaanad golaha Wakiilada ee Gudoomiyahooga Waydiinaya in uu u ogolaado inay Muse Biixi su’aalo ay ku waydiiyaan marka uu khudbad sanadeedka sanadka uu maalinta beri ah ujeedinayo labada Gole, aanu gudoomiyuhu awoodaasi lahayn, golahana uu gudoomin doono Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan.

 

Gudoomiye Xinif ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

"Fadhiyada wada jirka ah ee labada gole waxaa guddoomiya guddoomiyaha Golaha Guurtida. Awood kuma laha guddoomiyaha golaha wakiilladu haddii aanu maqnayn guddoomiyaha guurtidu.

 

Xildhibaannada wakiillada ee oggolaanshaha su'aalaha madaxweynaha weydiisanaya guddoomiyaha golaha wakiilladu xataa hadduu u oggolaado ma fulin karo.

 

Tan labaad madaxweynuhu isagaa u yeedhay labada gole ee iyagu umay yeedhin. Wuxuu ugu yeedhayna waa Khudbad sannadle oo dastuuri ah.

 

Tan saddexaad madaxweynaha iyo ku xigeenka madaxweynuhu kama mid aha masuuliyiinta xildhibaannadu golohooda ugu yeedhi karaan.

Tan afraad xeer hoosaadka golaha wakiilladu samaysteen gudohooda ayay kaga dhaqmayaan, maaha xeer qaranka lagu dhaqayo." Gudoomiye Cabdikariin Xinif.


Loading...
Loading...