Ehelkii Fankoow Codsi!

0
Sunday May 08, 2022 - 09:32:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ehelkii Fankoow Codsi!

    Qoraalkan walaal ila faafi si aan u baadi doono suugaanteenii. Mahadsanidiin ... Barkhad Case

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalkan walaal ila faafi si aan u baadi doono suugaanteenii. Mahadsanidiin ... Barkhad Case

Sannad iyo badh ka hor muddo ku sinnayd ayaa saaxiibkay Bashiir Maxmud, uu habeen Muqdisho uu iga la soo hadlay goor iska hiimsa-hiimsa ah, ilaahay ha sharfee. Waxa uu ii sheegay in uu soo wado waraysi qiimo badan, oo laga qabtay sooyaalkii iyo taariikhdii hoobalkii codkiisu baadisoocda lahaa, ee huga anshaxa iyo haybadda ba huwanaa waa Muuse Ismaaciil "Qalinle", ka dibna uu janalkiisa Youtube-ka ku cabbayn doono waxyar uun ka dib caweysinka. Bashiir, warka farxadda leh ee uu ila wadaagay ka sakow waxa aan aad u gu hawaawiyayay in mar uun dhegahaygu maqlaan waraysigaasi intii dawladdii dhexe jirtay laga qabtay hoobalka, oo hore aan u hayay warkiisa! Waxyar ka sakow ayaa haddana walaalkay Bashiir uu ila wadaagay farxad kale oo ah, in afkiisa hoobalku ka sheegay heeso uu mucaashaqii–Sulub Cumar u dhiibay bilawgii uu masraxa fanka sidaa u halabsaday ba. Anigoo hiyiga iyo hanqalka ba la soo kacay oo aad u muraaqoodsan, oo sugi kari la baan ku idhi; waar waxa nagaga soo tuur boowe! Saaxiibkay u gu danbayn waa ku soo tuuray waraysigii waan dhegeystay, waan dhuuxay, waa sii dhugtay, ka dibna waan isdhalanrogay ba. Sababta aan u gu riyaaqay baa waxay ahayd; in abwaankii aan buuggiisa waday uu ahaaba show abwaanka uu ku abtirsado Qalinle fankiisu ba! Yaab! Wuu sii waday oo Qalinle wuxuu yidhi;



"Heestii iigu horreysay ee meel fagaare ah aan isla soo taago waxa ii dhiibay ninka la yidhaa; Sulub Cumar, waxaanay ahayd hees waddani ah 1971-kii ayaan Hargeysa beerta xorriyadda ka qaaday".


Cilmi baadhis dheer oo rucle iyo ragaad ba aan u mutay u gu dambayn heestii waddaniga ahayd waan helay. Sakal adag iyo sursuur cidhiidhiyoon  baan ka soo dhiraandhiriyey. Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde ayaa isna heestu in ay jirtay, oo idaacadaha laga saari jire kal hore ila wadaagay. Waxa aan safar ku tagay Hargeysa, waxaanan kula kulmay Qalinle nin ay yaraan isku geeljire ahaayeen oo la yidhaa–Cabdi Diiriye Cigaal oo loo yaqaan "Cabdi-Yoome". Cabdi-Yoome, hore ayaa odayaashu ii sheegeen in xog badan uu ka hayo Sulub Cumar. Fadhi wayn iyo fayaan ka dib sheekadii xogtii heesta ayaa noo bilaabantay...


Bariido ka dib Cabdi-Yoome, waxuu ii sheegay heestii midhaheedii kala badh!  Intaanu ii bilaabin heesta waxa aan ku qancay markii uu igu yidhi; Qalinle iyo Sulub ba afkooda ayaan ka hayaa heesta waddaniga ah oo way iiga sheekeeyeen, Alle labada ba haw raxmadee. Heestuna adeer taariikh bay salka ku haysay, oo waxa ay ka hadlaysay marka hore israacii labada dal ee Waqooyi iyo Koonfur ka dib inqilaabkii saraakiisha ee 1961-kii dhicisoobay iyo sidii ay u sigatay gobonimadii labada dal, isla markaana uu lahaa Siyaadoow majaraha si daacad iyo sinnaan ah u hay. Beydka xigana Golihii sare ee kacaanka ayuu ka hadlayay. Markaa waa tan heesti badh ka midi;


"Golaheenii sare iyo

 Sahankeenii qaar baa

 Soof daran habaabee

 Maantay sinnaatoo

 Salka loo adkeeyee

 Ugu wada sida wacan,

 Gobonimadii sigatay

 iyo Soomaali nimadii

 Maantay sinnaatoo

 Salka loo adkeeyee

 Ugu wada sida wacan".


Waa heestii uu horreysay ee Qalinle meel fagaare ah ka qaaday, qofkii aan maqaloow.

Waxa aan Hargeysa isna fadhiya badan la qaatay abwaanka weyn ee Maxamed Aadan Dacar. Dacar, isna wuxuu iiga sheekeeyey taariikhda Sulub Cumar, ka dibna heestii u horreysay ee uu idaacad u qabtay Qalinle in ay ahayd ;" Shalay moodhar raacdee, mayska daba maqiiqaa "? Ayaan ka xaqiijiyey. Ciddii lahayd heestaas se abwaanku ma xasuusan iyada.


Waraysi aan keydkeyga suugaanta ku hayo oo laga qabtay isna hoobalkii Cabdi Tahliil Warsame 1997kii, oo uu ka qaaday wariyaha weyn ee Abdisalam Hereri, ayaan isna dhegeystay. Cabdi Tahliil waxa uu yidhi marxuumku AUN;  anigu fanka 1967kii baan bilaabay. Hees aan idaacad u qabtana isla sannadkaas ayuu ii dhiibay abwaankii weynaa ee Sulub Cumar, Alle naxariistii janno ha ka waraabshee. Fankayguna abwaankaas buu ku abtirsadaa waxaanay ahayd heestii la odhan jirey;


"Jirjirkiyo dartaabaan

Jeegada u aallaa

Jalkii qaadan waayee...". 1967-kii.


 Ab Sulub Cumar, wuxuu ahaa abwaan suugaanta Soomaalida baal dahab ah kaga jiray, tan iyo waagii bilawgii fankii Balwadii Soomaalidu ay bilaabantay 1940skii illaa kooxdii Waaberi mar dambe la aasaasay uu ka mid ahaa.  Suugaantiisu waa bad macaan, se u ma socdo inaan ka sheekeeyo maanta, Alle haw naxriistee.


FG: Haddaba waxa qoraalkan maanta igu kallifay in aan heesta badh hayo midhaheedii, laba beyd oo kale na ay iga maqanyiin. Qofkii haya ama xogogaal u ah fankii Qalinle, waxa aan ka codsanayaa si milga leh in heestaas qofkii hayaa ama cid ku tuhmaya ila wadaago maadaama hawl badan iyo culays badan ay iga fudaydin lahayd.

Qoraalkan walaal ila faafi si aan u baadi doono suugaanteenii. Mahadsanidiin.

Barkhad Case

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...