Haddii Aad Caashaqday In Aad Odayga Reerkiina Maalin U Sumaddo ... !

0
Saturday May 07, 2022 - 11:40:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Haddii Aad Caashaqday In Aad Odayga Reerkiina Maalin U Sumaddo ... !

    W/Q: Kamaal Marjaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Kamaal Marjaan

Alle ha u naxariisto ee Cabdiraxmaan iyo Cigaal midna ma’aha aasaasaha Somaliland, meeshu ma urur ama ganacsi qof keliya lahaa oo uu aasaasay ama isaga iyo qabiilkiisu aasaaseen, dadka kalana ku soo biireenbaa. Miyaanu dal iyo qaran ahayn?!



Aasaasayaal ayaa jira ee aasaase ma jiro. Aaasaasayaashaasina waa 17 kii oday ee inta ay Burco ku shireen go’aamiyey in Somaliland ka go’do Soomaaliyadii kale, haddii aanay iyagu go’aankaas gaadhin mabay aasaasanteen. Haddii cid uun la doono in lagu soo labeeyo waa golihii dhexe ee SNM ee go’aanka ansixiyey, maadaama markaas ay SNM awoodda dalka maamulaysa ahayd.


Ragga la isbarbar eryayo iyo kuwii hoggaanka uga dambeeyey waa madaxweyneyaal uun loo dhiibay nidaam la dhisay, loona sameeyey sharcigii lagu maamulayey, kaddibna uu waajibkiisii qabsaday oo hawshan qaybtiisa soo qaatay.


Haddii aad ka fursan weydaan in aad odayaashiina midba maalin u sumaddaan, waxa aad odhan kartaan Cabdiraxmaan waa aabihii DIB U XORAYNTA IYO IS-CAFINTA - (Haddii aanay SNM ogolaateen in dadka dalka wada degaa is cafiyaan, waxna wada yeeshaan, la islamaba gaadheen shirkii Burco), Cigaalna waa aabihii DHISMAHA DAWLADNIMADA (Ma'aha qarannimada waayo way kala duwan yihiin.)


Laakiin bal ha illaawina in Rayaale isna noqonayo 'AABIHII DHISMAHA CIIDAMADA IYO HIRGELINTA NIDAAMKA DIMUQRAADDIGA AH', Siilaanyana aabihii BILOWGA HORUMARINTA DHAQAALAHA. Waayo xilligiisii horumarka dalku sameeyey madaxweyne ka badan oo ka horreeyey ma uu jirin.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdina la suga inta uu xilka ka degeyo si aad u garataan waxa aad AABO uga dhigaysaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...