Mashruuc Mooge Leeyay, Golahii Meel Mariyey, Wasiir Madaxweynow, Maxaamuran Geliyey.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.
MURTIBA ODHANAYSA:-LAFTAY MARYAN QAADAY,MADIINO KA DAASHAY,
MIDHKAAN UGA JEEDO:-MASHRUC MOOGE LEEYAY,GOLAHI MEEL MARIYEY,
Wareegtooyin wiifliyo,Wareer looma baahne,
Waaheen wixii gubay,Warkoodi ma weydeen,
War haddi aan laga helin,Wadhi xajadeenuba,
Waaheen dadkii yaalay,Wererba ku beerteen,
Weriyeyaashi baahshay,Wanjalaad ka faa’ide,
Wegerey ka waaweyn,Weglada iyo ciyaaruhu,
Warka maa cadaysaan,Waaheen ayaa gubay,
Wixi sababay waaheen,Wuxun noga sheegtan,
Waxaad ururinaysaan,Wadka miyaad la sugaysaan,
Wadhatadan cidlada wadhan,Waabab ma u wabtaan,
Wasaarad hawlo guudeey,Wadooyinkaagii goboladu,
Way kaa wada qabyoobeen,Waaheeniyo warkeed daa.
Wadeeco taadi weeyaan,Waaheen baan wax tarayaa,
Wayska hadal wadkii galaye,Hawsha yaan la weydayn.
Ismail Abdilahi Handuleh.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!