"Xadhiga Saxafiyiintu Barmadaw Ayuu Ku Yahay Somaliland" Xildh. Barkhad
Hargaysa (HWN) Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ah xildhibaanka ugu codka Badan golaha Wakiilada Somalilad ayaa ka hadlay halka ay saxaafadu ugu jirto Somaliland.
Xildhibaanka ayaana soo qaatay waxyaabaha qiimaha badan ee Saxaafada Somaliland dalka uqabato.
Xildhibaan Barkhad oo qoraal uu kaga hadlayo suxufiyiinta xidhan baahiyay ayaa sheegay in ay barmadaw Somaliland ku tahay xadhiga saxafiyiintu, waxaanu qoraalka xildhibaanku uu baahiyay udhignaa sidan:-
Saxaafadda Somaliland waxa ay dalka ugu jirta kaalinta ay dawladda Mareykan Diyaaradaha B-52 ee dagaalku ugu jiraan!.
Diyaaradaha dagaalka B-52 ee Somaliland leedahay waa saxaafadda madaxa
bannaan, waxa ay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan sidii ay u xambaari
lahaayeen gantaalada riddada culus ee dhawaaqoodu meesha dheer ku dhaco, waxa
ay cadowga Somaliland ku ganaan war u dhigma danab oo dab iyo dabeyl ku hurgufa
waxaanay sawir wacan siiyaan cid kasta oo jecel samaha Somaliland.
Saxaafaddu waa ubax cas oo ka dul baxay laamaha cagaaran ee geedka weyn
ee dawladdnimadda Somaliland ku qotonto dawladdaha dunida ee taageerada
dimuquradiyadeenuna marwal oo ay soo jalleecaan dalkeenna waxa ay daawadan
quruxda midabka saxaafadda somaliland leedahay, balse hadda waxa ay indhahoodu
qabanayaan geedki dawladdnimo oo gudun lagu jarayo caleemihiisi iyo ubaxi ka
dul baxay!
Waxa inagu soo fool leh maalin udubdhexaad u ah jiritaankeena dawladnimo
oo si weyn xuskeeda igu diyaar garowno xiiso iyo xamaasadna u leh shacabkeena
dareen weyna u gudbineysa dunida. Waxaas'e ayaan darro ah in qaar ka mid ah
diyaaradihii dagaalka ee dabbaaldagaas ka qeyb qaadan laha Jeel lagu daboolay!
Waxa aan Xukuumadda Kulmiye cod dheer ugu sheegaya in ay xorriyadoodi u soo
celiyaan Suxufiyiintan xidhan muddo 23 cisho bilaa Maxkamad. Haddii aad ka
xidheen in ay Ciida carruurtoodi la farxaan ha ka xidhina xuska maalinta 18
May.
Maxamed Cabdi Sheekh "Ilig" waxa uu 3dexdii habeennimo igu dhex
waraysanayey suuqa dhexdiisa habeenkii lagu dhawaaqayey natiijadii doorashadda
Wakiiladda iyo Deegaanka. Markii uu i soo wacay ayaan ku yidhi " hadda waa
habeen ee berri subaxda innooga dhig dadku way wada seexdeen cidina warkan
daawan mayso walaale." Wuxuu iigu jawaabay:
" waxa aan rabaa in aan dunida tuso nabadda Somaliland dhextaal in
ninki ugu codka badna adiga oo ah oo aanay ilaalo kula socon kaligana aad tahay
Caalamku arkaan waxa aynu qabsannay."
Waan ku qancay sidii ayuu saqdhexe Suuqa igu dhex wareysanayey oo uu
noqday warkii ugu daawashada badna Sannadkaa ee Telifeshinkiisa ka baxa! Ninki
dalka Nabadgalyaddiisa sidaa dunida u tusayey ee haddana dabka suuqa waaheen
isaga iyo dhammaan weriyaayaashu caalamka tusayeen dhibta dhaqaale uu geystay
dadkeeni in maanta jeel loogu abaalgudo waa mid boogmadow ku ah xorriyatul
qowlka iyo xuquuqda dastuurku u dammaanad qaaday dadka Somaliland.
"Saxaafaddeenu waa codka inta aan codkooda la maqal, Waa carooga xaqa waana saaxiibka cid walba.
Saddexda suxufi ee xidhan xorriyaddooda ha helaan"