Khilaafka Ka Dhextaagan D.H Ee Hargaysa & Xukuumada Oo Sababay In Laba Gudi Lookala Magacaabo Suuqa Waaheen

0
Friday May 06, 2022 - 23:19:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Khilaafka Ka Dhextaagan D.H Ee Hargaysa & Xukuumada Oo Sababay In Laba Gudi Lookala Magacaabo Suuqa Waaheen

    "hadaba Bulshada masiibadu ku habsatay ayaa is waydiinaya…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"hadaba Bulshada masiibadu ku habsatay ayaa is waydiinaya…"

Hargaysa (HWN) Tan iyo markii masiibada dabku ku habsaday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ee sababtay gubashada iyo burburka hanti badan oo ganacsatada Somaliland ay lahayd ayaa waxaa arintaasi si wayn uga damqaday dhamaan Ummada Somalida iyo Caalamka intiisa kale waxaana bilaabmatay in gurmad dhaqaale loogu ururinaayo ka soo kabashada dhibaatadii ka dhacday suuqa waaheen korna loogu soo qaadayo ganacsatadii hantidoodu halkaasi kaga baa ba’day.



Hadaba waxaa dib u dhiska suuqa waaheen sababay in khilaaf ka dhex dhasho golaha Deegaanka Hargeysa iyo wasaarada hawlaha guud oo ay isku qabsadaan cida masuulka ka noqonaysa dib u dhiska iyo nashaqadaynta suuqa Waaheen, waxaana ay arintaasi ay sababtay in warbaahinta ay hadalo xanaf leh isku way daar sadaan xildhibaano ka Tirsan golaha Deegaanka Hargeysa iyo masuuliyiinta dawlada hoose taasi oo mid walbaaba sheeganaayo maamulida iyo Nashqadaynta suuqa waaheen.

 

Hadaba wasiirka wasaarada hawlaha guud Cabdilaahi abokor Cismaan oo adeeg sanaaya awoodihiisa ayaa maalintii arbacadii magacaabay gudi uu ugu Yeedhay Gudida Farsamada Dajinta Nidaamka Suuqyada gudidaasi oo ka koobnayd 11 xubnood oo iskugu jira xildhibaano masuuliyiin dawladeed iyo engeneero madax banaan ayaa waxaa wasiir Cabdilaahi abokor amaray dhamaan dawladaha hoose in ay la shaqeeyaan isaga oo si gaar ah u Xusay dawlada hoose ee Hargeysa farayna in nashaqdaynta suuqa Waaheen kala shaqeeyaan waxaana uu wasiirku wareegtadiisa uu ku Magacaabay laba xildhibaan oo ka Tirsan golaha Deegaanka Hargeysa  oo uu sheegay in ay gudida si dhaw ugala shaqeeyaan Nashqadaynta suuqa Waaheen mudada gacanta lagu hayo

 

Maayarka Caasimada Hargeysa ayaa isna habeenimadkii arbacadii Magacaabay Gudi ka kooban 9 xildhibaan oo ka Tirsan golaha Deegaanka Hargeysa gudida oo uu ugu magacdaray gudida ka soo kabashada Masiibadii Suuqa Waaheen waxaana maayar mooge  ku sheegay wareeg tadiisaasi in gudidaasi ay ka shaqayn doonto dhamaan arimaha suuqa waaheen.

 muranka iyo khilaafka u dhaxeeya

 

hadaba Bulshada masiibadu ku habsatay ayaa is waydiinaya in iyada oo dhibaato ku habsatay la isku dul qabto laguna dul magacaabo gudiyo kala duwan oo mid kastaa suuqa Waaheen ka shaqaynayso

 

Hadaba su'aasha is waydiinta mudani waxa ay tahay yaa xaq u leh nashqasaynta iyo dib u dhiska suuqa waaheen

 

sikastaba ha ahaatee waxaa laga dhur sugi doonaa halka uu sal dhigto khilaafka golaha Deegaanka Hargeysa iyo gudiyada ay kala magacaabeen maayar mooge iyo wasiir Cabdilaahi abokor

 

 

Loading...
Loading...