Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Jawaabay Dooda Somaliland Lama Wada Laha, Afkana Ka Dhawray Dhaliilaha Xukuumadiisa Ee Xoojiyey Doodan
Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dooda ku saabsan in somaliland ay noqotay wadan aan la wada lahayn oo manaafacaadkiisa ay cid gaar ahi dheefsato. Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeedinayey munaasibad lagu xusayey sanad guurada 25aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidamada qaranka ayaa soo bandhigay laba qodob oo uu sheegay inay tusaale u yihiin in somaliland ay tahay wadan la wada leeyahay, balse waxa uu afka ka dhawray dheeliga saami qaybsiga xukuumadiisa oo ka mid ah waxyaabaha xoojiyey dooda ka dhanka ah wada lahaanshaha dalka somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaya dooda wada lahaanshaha somaliland ayaa waxa uu yidhi "Somaliland oo la yidhaahda lama wada laha oo dad badani ay kaga dhawaaqaan idaacadaha oo aan arag wixii ku dhacay Cali Khaliif, Prof Samatar iyo Cali Ciise, waxaan u sheegayaa in somaliland la wada leeyahay”
Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Markhaatigeeduna waa Daahir Rayaale ayaa kaga guulaystay doorasho gacmood oo hal qof iyo hal cod ah Axmed Siilaanyo oo ahaa hogaamiyihii SNM kaas oo lagu qaabilay, somaliland-na ku xukumayey 8 sanadood, waxa kale oo markhaati u ah in somaliland la wada leeyahay, Xaglatoosiye ayaa la tartamay ninka la yidhaa Saylici kaas oo ku sigay dirqina kaga baxsaday inuu ka reeyo, somaliland waa mid la wada leeyahay oo loo siman yahay nin walibana uu doodisa ka dhiibto.”
Dhinaca kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa guud ahaanba afka ka dhawray dhaliilaha ka muuqda xukuumadiisa dhinaca ka raran ee saluuga badan laga qabo, taas oo ka mid ah waxyaabaha sida adag u xoojiyey dooda sheegaysa in somaliland ay noqotay wadan aan la wada lahayn, iyada oo ay muuqato in bulshada somaliland aanay u sinayn manaafacaadka qaranimada somaliland.
Marka la eego qodobada uu madaxweynuhu kaga jawaabay doodan ayaa noqon kara qaar jaban, iyada oo tartankii murashaxnimada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga kulmiye ku dhexmaray Saylici iyo Xaglatoosiye aanu noqon Karin mid jawaab u noqonaya dooda wada lahaanshaha somaliland taas oo sababtuna ay tahay in labada beelood ee darafyada ee ay ka soo jeedaan labadaas siyaasi ay ka mid yihiin kuwa tabaya wada lahaanshihii somaliland ee saami qaybiga xukuumada iyo manaafacaadka dheefta dawladnimada iyo mashaariicda horumarineedba.
Waxyaabaha doodan jawaabta u noqon kara ayaa dadka siyaasada falanqeeyaa ku sheegaan inay ugu horayso sixitaan uu madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyo xukuumada gaar ahaan dhinaca saami qaybsiga oo la sheego inaanay ahayn mid dheelitiran balse uu dhinac ka raray.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...