Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cid ma eryi Karo?

0
Thursday May 05, 2022 - 13:23:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cid ma eryi Karo?

    "Haddii se madaxwaynuhu xilkii hayo balse uu dalka ka maqan yahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii se madaxwaynuhu xilkii hayo balse uu dalka ka maqan yahay"

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa faahfaahiyay awooda Madawayne ku xigeenka Somaliland  iyo xiliga loo dhaarin karo Madaxwayne-nimo.



Garyaqaanka ayaa qoraal uu ku faahfaahiyay awooda madaxwayne ku xigeenka iyo shaqooyinka uu qaban karo marka uu madaxwayuhu dalka ka maqanyahay kaga hadlay qoraal kan hoose oo uu baahiyay:-

 

"Madaxwayne marka kursigiisu banaanaado si kama danbays ah (is-casilaad, geeri, maamuus ka xayuubin…) ama si mudo kooban ah (haddii uu xanuunsado, qalliin la suuxinayo galo, ama mudo dastuur cayimay in ka badan dalka ka maqnaanayo) waxa xilka la wareega ku xigeenka oo yeesha awood buuxda oo madaxwaynenimo mudadaas. Xaaladdan madaxwayne ku xigeenka waxa loo dhaariyaa xilka madaxwaynenimo oo dhaar dheeraad ah oo aan ahayn tii ku xigeenka ayaa la mariyaa.

 

Haddii se madaxwaynuhu xilkii hayo balse uu dalka ka maqan yahay, ku xigeenku waa ku sime oo malaha awood madaxwayninimo oo buuxda oo uu ku qaadan karo go’aan saamayn leh.

 

 Awoodiisu waxa ay ku kooban tahay sii wadista hawlaha maallin laha ah ee xafiiska madaxwaynaha.

Cid ma eryi karo balse xilka waa ka hakin karaa”.

Guuleed Dafac

Loading...
Loading...