CILMI-NAFSI

0
Wednesday May 04, 2022 - 13:20:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CILMI-NAFSI

    waalidiintu ilmohooda ayay si daran ugu hanjabaan mararka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waalidiintu ilmohooda ayay si daran ugu hanjabaan mararka


1. Hadii aad qof su,aal waydiiso isla markaana kaa aamuso kadibna aad ku celiso marlabaad isla su,aashii waxay u badan tahay in qofkaasi uu bixiyo jawaab qaldan.

2. badanaa dadku way dhoola cadeeyaan marka ugu horaysa ee ay lahad layaan qof aysan hore isu aqoonin.
3. . inyar oo dadka ka mid ah waxa ay jecelyihiin in ay dhex socdaan ama isu dhigaan xiliga roobku da,yo halka dadka inta badan ay guryaa ka galaan roobka.


4. saddexdii qof ee wada socdaba laba kamida dhinaca xun ayay wax ka eegaan halka midka soo hadhay uu yahay mid dhinaca wanaagsan wax ka eega.

5.waalidiintu ilmohooda ayay si daran ugu hanjabaan mararka qaarna waa ay garaacaan ayagoo raba inay hagaajiyaan tarbiyada ilmaha balse ilmuhu uu noqonayo midaas cagsigeeda.

6. qofkasta oo wax fahma sida xaalada dadka ku hareeraysan, fikradaha dadka aad ufahma wuxuu diyaar uyahay inuu wax badan sii fahmo,halka midka aan wax fahmini uu diyaar uyahay inuusan waligii waxba fahmin.

7. Qofka dadka yasa waxaa la sheegaa inuu niyad ahaan dareemayo in ay dadku yasayaan waana sababtaas mida keenaysa inuu dadka yaso.

8. markasta oo qofka lagu dhaho waxaas qabo ama waxaas samee waa markasta oo uu waxaas kasii fogaado balse hadii aad ku tiraahdid waaxaa ma samayn kartid ama waxaas ma baran kartid waa hubaal in ugu yaraan uu isku dayayo.

9. qofka heerka uu caqligiisu taagan yahay waxaa lagu gartaa waxyaabaha ka qosliya.

W/Q Suleimon Mohamoud Abdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...