Xaqal Iidkii Madaxtooyada Ee Xiisaha Lahaa 1998kii

0
Tuesday May 03, 2022 - 10:38:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqal Iidkii Madaxtooyada Ee Xiisaha Lahaa 1998kii

    "Magaalada Hargaysa waxa aad ugu badnaa Burburka Guryaha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Magaalada Hargaysa waxa aad ugu badnaa Burburka Guryaha"

Waa subax Ciida waxaanu joognaa caasimada Hargaysa oo aanu ku qaadanayno Farxada Iidka, ahna kobtii aanu ku dhalanay kuna barbaarnay, wax badani wey ka duwan yihiin sidan imika ay yihiin oo isuma dhawa, se farxada iyo raynrayntu waa mid ka qiimo badan tan maanta rajaduna waa mid ka saraysa tan hadda, sidan xusuusnahay Ciidu waa ciid Arafo ama Ciidal Udxa. Xiligaa haddii Caruurta yaryar loo iibiyo dharka Ciida Ramadaan looma iibin jirin Ciida Arafo Markaad ku tidhaa mid asxaabta ka mida maxaad ku iidaysaa wuxuu ku odhanaayay intuu madax xoqdo "kuwii iidii hore" xiiso male oo waaba layla garanayaa markaa,  waayo dhaqaalaha wuu  yaraa oo dalka iyo dadku labaduba waxa ay ku jireen xaalad adag oo dhaqaale isku mid baa la' ahaa waxaana xooga la saaraayay sidii dib loogu dhisi lahaa dalka, ganacsiguna wuxuu ahaa mid yabyab ah oo xoog iyo xirfad lagu waddo.



Magaalada Hargaysa waxa aad ugu badnaa Burburka Guryaha, sidoo kale waxa yaraa tirrada Dadka iyo Baabuurta labadaba se dadku waxa ay ahaayeen kuwo ilbaxa ah reer magaala qalib fiican oo inta badan is garanaaya waxa aad u yaraa guryahay kirrada ah guri kasta waxa ku jiray reerkii lahaa, qoyska gaadhi lihina wuu ka tilmaamnaa dhamaan xaafadaha Jaarka oo maalinka Ciida waanu kala naqaanay Odayga Qaanac ah ee aan loo dhawaan iyo ka naqaadaaya, gaadiidka yaryarina waxay u badnaayeen Xaajiyado dul banaan oo taasi ayaanu dusha iskaga guri jirnay jaanis baanay ahayd.


Haddaba subaxaasi iideed oo aan ku qiyaasi karro 1998kii waxa naga kala hay mid ka mida asxaabtaydii si uu Madaxweyne M. I. Cigaal Xaqal iid ugu doonto wuxuu tagay Masaajidka weyn ee misi Jaamaca Hargaysa oo la sii ogaa in uu ku tukanaayo Madaxweynuhu, manay jirin waxan oo ciidan ah ee Madaxweynayaasha maanta dabayaaca iyo gaadiidkan badan ee V8da ah, waxa la wataa Landcurser Foorle ah iyo waxaan sidaasi u sii dhaamin, laakiin Amniga iyo Niyad-wanaagu waa mid heer sare ah. Aan soo dhawaadee sidii uu noogu waramay Saaxiibkay Salaadii Iidka Madaxweynihii ayuu la tukaday waliba safka ku beegan, markii laga baxay salaadiina hore ayuu ka fuulay gaadiidkii Madaxweynaha ilaa iyo Madaxtooyada cid celisay ama ka dejisayna may jirin sidiibuu ku tagay madaxtooyadii dhaxdeedii madaxweynihii salaamay una sheegay in uu soo doontay Xaqal iid. Saaxiibkay waxa la soo siiyay 100,000S/L ah oo shan' shan boqol ah,  lacag aad u badan ah wakhigaasi una dhigmaysay boqolaal dollar, manuu jirin qiima dhaca lacagta ee maantu waayo waxa shaqeeta 10shiling, 20shiling iyo konton shiling. Markii uu na tusay waxaanu ku qaylinayn "Shan, Shan boqol buu sitaa" mana is damaacin karno oo rag is yaqaana ayaanu nahay oo wadda koray waa in aanu cuno uun wixii uu nasiiyo.


Wuxuu noo yimid isaga oo xiimaaya orodkii uu ka soo qaaday madaxtooyada wuxuu noogu yimid istaankii Berbera iyo Maqaaxidii Ina-carraale halkaasi oo ahayd meelaha ugu shidan Hargaysa ee shaaha baraadkaa lagu cabo waxaabu nageeyay Mac-macaan lihii Al-Mahdi oo nin ladan oo kaliyi galo kana sharaabo, waxa laga cabi jiray.  Vimto, Caano vimto, iyo Cananiska fosterka ee la qoosho. malintaa ninkaasi isagaa xaqal iid noo ahaa, wuxuu ahaa Khadar Jaamac isagaa ka sheekayn oo wuu joogaa.


Tolow imika ma la bixiyaa Xaqal iidka

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...